Wararka Soomaalida
Hooyo Ayaan Cabdinaasir oo hadal haynteedu ay qabsatay baraha bulshadda
Hooyadan ayaa waxaa lagu magacaabaa Ayaan Cabdinaasir Maxamed waxayna Macalimad ka tahay Iskuul ku yaala Degmadda Burtinle ee Maamulka Puntland. Ayaan Cabdinaasir Maxamed ayaa macalinnimada ka sokow ah Hooyo xaas ah oo leh Caruur intii ilaahay siiyey. Waxaa intaas u dheer ka warqabka Caruurteeda iyo gurigeeda. Hooyadan Soomaaliyeed ayaa waxay noqotay hooyooyinka dhif iyo naadirka […]
Hooyadan ayaa waxaa lagu magacaabaa Ayaan Cabdinaasir Maxamed waxayna Macalimad ka tahay Iskuul ku yaala Degmadda Burtinle ee Maamulka Puntland.
Ayaan Cabdinaasir Maxamed ayaa macalinnimada ka sokow ah Hooyo xaas ah oo leh Caruur intii ilaahay siiyey. Waxaa intaas u dheer ka warqabka Caruurteeda iyo gurigeeda.
Hooyadan Soomaaliyeed ayaa waxay noqotay hooyooyinka dhif iyo naadirka ah ee u howlan, hadh iyo habeena u taagan howsha shaqadeeda ee ah Macalinimada, baarbaarinta carruurteeda iyo ka soo bixitaanka mas’uuliyadeeda marwo. Ayaan ayaa dhamaan intaas oo howlna isku wada, si wanaagsan oo ammaan mudana uga soo baxda.
Hooyo Ayaan Cabdinaasir Maxamed ayaa dhowaan waxaa laga war helay in iyada oo ilmaheedii yaraa ee Naas nuuga ahaa Xanbaarsan subax waliba Caruurta Burtinleh ay Waxbareyso.
Sawirkan iyo muqaalkan wanaagsan ayaa soo jiitay dad aad furabadan.