Community

Hooyo iyo haweeney Soomaaliyeed oo loo xiray dil ay rabtay in ay u geysato 5 carruur

Published

on

Haweeney iyo hooyo Soomaaliyeed oo deggen magaalada Rochester ee ku taala gobolka Minnesota, dalka Mareykanka ayaa todobaakii ama usbuucii hore lagu eedeeyay in ay isku dayeysay in ay disho shanteeda carrurta. Haweeneyda dacwada lagu soo oogay ayaa lagu magacaabaa Farxiyo Cabdullahi waana 32-jir.

Sarkaal u hadlay Booliska Magaalada Rochester oo la yiraahdo Lt. Mike Sadauskis ayaa sheegay in hooyadani ay carruurteeda gelisay gaarigeeda kadibna gaariga inta ay carruurtii ku qufushay garaashka  ku xirtay.

Sarkaalka Lt. Mike Sadauskis ayaa sidoo kale sheegay in ay hayaan caddeyn muujineysa in haweeneyda ay xirtay daaqadaha gaariga, tuubbada qiiqa ka baxana ee gaarigu leeyahay hoos ka jartay, kadibna waxay shiday matoorkii gaariga si qiiqu ugu baxo carruurta oo ay meeshaas ku dhintaan marka ay neeftu ku dhagto.

Sadauskis ayaa yiri, “waxay umuuqataa in carruurta iyo hooyadood ay gaariga kujireen mudo dhan ilaa labo saacadood”.

Qaar carruurta kamid ah ayaa bukooday qiiqii gaariga ka baxayey, waxaana la sheegay in ay carruurtu mantageen. Kadib markii carruurta hooyadood ay demisay matoorkii gaariga ayeey carruurtii ka degeen gaariga. Sarkaal Sadauskis ayaa yidhi Farxiyo Cabdullahi oo ah carruurta hooyaddood ayaa mid kamid ah carruurta wajiga ka feertay, kadibna garaacday.

Haddaba arrintan naxdinta leh ayaa la sheegayaa in ay dhacday 1-dii bishan October, 2019. Carruurta ay rabtay in ay dhisho ee dacwada lagu soo oogay Farxiyo Cabdullahi lagu sheegay ayaa da’doodu tahay 4, 7, 9, 10 iyo 11-jir.

Farxiyo Cabdullahi ayaa hadda u xiran dacwadan lagu soo oogay, waxayna sugaysaa maxkamad. Waxaa aad ugu soo badanaya bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka, hooyooyinka iyo dhallinyarada cudurrada la xiriira dhimirka, waxaana falka hooyadan loo badinayaa mid la xiriira xanuun caafimaad, gaar ahaan xanuunka dhimirka.

Trending

Exit mobile version