Wararka Soomaalida

Howlgal ka dhacay Jubbada hoose oo miinooyin lagu soo saaray

Published

on

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya qeebtooda 43-aad ee Xoogga dalka ayaa galabta howlgal ka sameeyay inta udhaxaysa degmada Buula Gaduud iyo degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ka dib markii Ciidamada xog ay ka heleen shacabka ku nool deegaanada Muuse Xaaji,Araare iyo Kaban oo hoos yimaada degmada Jamaame sida ay sheegeen Taliska 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka.

Howlgalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanada kala Muuse Xaaji,Araare iyo Kaban waxaana ciidamada intii howlgalka ay ku jireen wadooyinka ka soo saareen Miinooyin dhowr ah oo kooxda Al shabaab ay ku aaseen wadooyinka si haddii ciidamada dowladda duulaan ugu soo qaadaan ugu qarxiyaan.

Ujeedada howlgalkaas iyo xogta dhanka shacsbka ka soo gaartay ciidankan howlgalka sameeyay ayaa waxaa lagu sheegay inay heleen xog sheegaysa in kooxda Al shabaab ay doonayaan in Wabiga Jubba dhinac ka duleeliyaan markii uu fatahaad sameeyana weerar gaadmo ah ugu soo qaadaan ciidanka xoogga dalka sida xogta la helay ay sheegayso.

Col.Maxamed Badal Xasan oo ka mid ah saraakiisha Hogaaminayasay howlgalka ka dhacay agagaarka Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in howlgalkan sida ay u bilaabeen uu ahaan doono siina wadayaan ilaa Al shababaab ay ka saaraan deegaanada ay ka maamulaan Jubbada hoose.

Trending

Exit mobile version