Wararka Soomaalida
Howlgal ka dhacay Marka oo qaraxyo lagu soo qabtay
Ciidanka amaanka ee Soomaaliya oo howlgal ka sameeyey Magaala madaxda Gobolka Shabeelada hoose ee Marka ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo noocoyo kala duwan ah ka dib howgal Ciidamada ay ka fuliyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Marka sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya. Howgalkan oo dhacay habeen hore ayaa waxaa […]
Ciidanka amaanka ee Soomaaliya oo howlgal ka sameeyey Magaala madaxda Gobolka Shabeelada hoose ee Marka ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo noocoyo kala duwan ah ka dib howgal Ciidamada ay ka fuliyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Marka sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.
Howgalkan oo dhacay habeen hore ayaa waxaa lagu soo qabtay 12 wax yaabaha qaraxa ah iyo 20 Caag oo ay ku jiraan Aashato nooca qaraxa samaysa.
Tiliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ahna Afhayeenka Booliska sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa waxay sheegtay in qaraxyadan Al shabaab ay ku samaynayeen Magaalada Marka ka dibna ujeedkooda uu ahaa in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Magaalada Muqdisho.
“Howlgal Ciidanka amnigu (NISA)ka fuliyay degmada Marka ee Sh/Hoose ayaa lagu qabtay walxaha qarxa oo ka kooban 12 xabbo oo miino ah & 20 KG oo maadada qaraxa ah. Damaca AS ayaa ahaa waxyeelaynta Shacabka Muqdisho”ayey tiri Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed.
Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa bilooyinkaaba wada dardar gelinta amaanka soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo mararka qaar howgalo ka soo fuliya gobolada ku xeeran Gobolka Banaadir.