Wararka Soomaalida

Howlgalkii guriga Wardhiigley oo la soo afjaray

Guri dad shacab ah ay ku nool yihiin kuna yaala Xaafad ka mid ah degmada Wardhiigley ayaa caawa fiidkii waxaa ka dhacay dagaal qaatay hal saac ka dib markii uu galay hoosna ka soo xirtay nin hubaysan. Ninkan hubaysan ee galay guriga ayaa wararku waxay sheegayaan in markii hore Bam gacmeed uu ku soo tuuray […]

Published

on

Guri dad shacab ah ay ku nool yihiin kuna yaala Xaafad ka mid ah degmada Wardhiigley ayaa caawa fiidkii waxaa ka dhacay dagaal qaatay hal saac ka dib markii uu galay hoosna ka soo xirtay nin hubaysan.

Ninkan hubaysan ee galay guriga ayaa wararku waxay sheegayaan in markii hore Bam gacmeed uu ku soo tuuray fariisin Ciidanka amaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogayn guriga uu galay dibna uu ku cararay gurigaas Ciidamadiina ay ugu daba galeen Gurigii uu ku cararay Qofkii Bam gacmeedka ku weeraray sidaasna dagaalka uu ku bilowday.

Gurigan oo ku yaala dhabarka dambe ee Saldhigyada Ciidanka Booliska Degmada Wardhiigley ayaa waxaa si xoog ah ku galay ninkaas hubaysan ee Ciidanka ku weeraray Bam gacmeedka xili Albaabka guriga uu furnaa Ciidamadana ay ku daba jireen ama ay Ceersanayeen ninkaas sida dadka goob joogiyaasha ah ay inoo sheegeen.

Ciidamadii Bam gacmeedka lagu weeraray ee Ceersanayey ninkii weerarka ku soo qaaday iyo ninkii hubaysnaa ayaa waxaa dagaal qaatay saacad ku dhexmaray guriga iyadoo xusid ay mudan tahay in guriga ay ku nool yihiin dad shacab ah oo iskuuga jira Haween,caruur iyo Waayeelo sida aan ka soo xiganay Qoysaska deriska la,ah.

Wuxuu dagaalkaas socdaba Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in ninkii oo nool ay gacanta ku soo dhigeen sida uu nala,wadaagay mid ka mid ah Saraakiisha Booliska Muqdisho.

ilaa hadda lama sheegin khasaaraha ka soo gaaray qoyskii deganaa gurigaas iyo sidoo kale Ciidamada dowladda ee dagaalka kula galay gurigaas ninkan hubaysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version