Wararka Soomaalida

Howlo nadiifin ah oo ka bilowday Degmada Xamar jajab+sawiro

Maamulka dagamada Xamar-jajab ayaa maanta degmadaas ka bilaabay Ololaha Barnaamijka Isxilqaan oo lagu nadiifinayo qashinka farahabadan ee yaala wadooyinka xaafadaha Degmada Xamar-jajab gaar ahaan Waddooyinka xaafadaha isku Raran-ka ah oo laamiga ku soo furi jiray Biyaha wasaqeynayay laamiga. Gudoomiyaha Degmadaas Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) ayaa sheegay in ay laba jibaarayaan howlahan nadaafada la xariira ee […]

Published

on

Maamulka dagamada Xamar-jajab ayaa maanta degmadaas ka bilaabay Ololaha Barnaamijka Isxilqaan oo lagu nadiifinayo qashinka farahabadan ee yaala wadooyinka xaafadaha Degmada Xamar-jajab gaar ahaan Waddooyinka xaafadaha isku Raran-ka ah oo laamiga ku soo furi jiray Biyaha wasaqeynayay laamiga.

Gudoomiyaha Degmadaas Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) ayaa sheegay in ay laba jibaarayaan howlahan nadaafada la xariira ee hadda ayaan ka bilaabeen Degmada Xamar jajab.

“Faanoole fari kama qodna, dadaalka iyo wacyigalinta halkaas ayaan kasii wadi doonaa har iyo habeen illaa aan ka xaqiijino Nadaafadda deegaanka,haddii aan ku guuleysano tallaabada Koowaad waxaan bilaabeynaa sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dayactirka goobaha burburay Laamiga,sidoo kale waxaan maanta ka jawaabnay cabashada dadweynaha ee ku aadan Mashquulka wadada oo aan kala hadalnay maanta hay’ahadaha ay wada-shaqeynta nagala dhaxeyso si xal deg deg ah looga gaaro.

Degmada Xamar-jajab ayaa waxay ka mid tahay Degmooyinka ugu qashinka iyo nadaafada xun Gobolka Banaadir waxaase la filayaa in arintan nadaafada ah wax weyn ay ka bedesho howshan uu hadda bilaabay Gudoomiyaha degmadaas Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) oo sidoo kale dhawaan xilkan loo magacaabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version