Wararka Soomaalida
Hubkii lagu weeraray Hotelka Dusit oo baaritaan lagu ogaaday in Dowladda Soomaaliya ay leedahay
Weerarkii dhowaan ka dhacay Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa la,ogaaday in hubkii ay ku weerareen Al shabaab Hoteelkaas ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib baaritaan lagu sameeyey Qoryihii ay wateen Raggii Hotelka weeraray ee markii dambe toogashada lagu dilay sida uu baahiyey Wargayska ka soo baxa Kenya ee Daily Nation. QM ayaa […]
Weerarkii dhowaan ka dhacay Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa la,ogaaday in hubkii ay ku weerareen Al shabaab Hoteelkaas ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib baaritaan lagu sameeyey Qoryihii ay wateen Raggii Hotelka weeraray ee markii dambe toogashada lagu dilay sida uu baahiyey Wargayska ka soo baxa Kenya ee Daily Nation.
QM ayaa horey uga digtay hubka Ciidanka Dowladda federalka Soomaaliya loo qaybiyo qeyb ka mid ah in isla markiiba uu gaarayo Kooxda Al shabaab iyagoo qaab kala iibsi ku helay, arintaasina Khatarteeda ay leedahay iyadoo falkaas QM ay war ka soo saartay Bishii November ee sanadkii hore.
baaritaan ay sameeyeen Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in saddex ka mid ah shantii Qori ee loo isticmaalay weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Hotel Dusit ee Nairobi ay cadaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya hore loogu diiwaan galiyey calaamada aqoonsiga hubka,sida maanta uu daabacay Wargayska Daily Nation ee Kenya.
Ilo-xog ogaal ah ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah oo qoryaha lagu sameeyey lagu ogaaday in ay muujiyeen calaamadaha Qoryaha Dowladda Federalka Soomaaliya u gaarka ah,inkasta oo qayb ahaan la tirtiray Calaamadaha Qoryaha hasa yeeshee tani ay la mid tahay kuwa ay isticmaalaan ciidamada ammaanka Soomaaliya sida uu qoray Wargayska Daily Nation ee Kenya sida Wargayska uu ka soo xigatay ilo wareedyo,sidoo kale labo qori oo kale oo ay isticmaaleen argagixisada ayaan wali la aqoonsan.
Warbixintan uu qoray Wargayska Daily Nation ayaa waxaa lagu yiri”Xukuumad kasta oo caalamka ah waxay leedahay qariidad aqoonsi oo u gaar ah hubkeeda sidaas awgeed qoryahan laga helay Gudaha hotelka Dusit baaritaankii lagu sameeyey ayaa waxay soo baxay Calaamadda ‘SO’, sida caadiga ah ay isticmaalaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA).
Uga dambeyn Wargayska Daily Nation ayaa sheegay in Golaha amaanka ee QM ay aaminsan yihiin in kooxda Al shabaab ay haystaan hub farabadan oo la mid ah kuwii lagu weeraray Nairobi iyadoo Ganacsatada Muqdisho iyo Baydhabo suurta gal tahay in iyana ay iibsadeen hubkan Ciidanka Soomaaliya loo qaybiyey.