Wararka Soomaalida
IC J oo u yeertay Soomaaliya iyo Kenya
Maxkamada cadaaladda aduunka ee The Hague ayaa u yeertay Soomaaliya iyo Kenya dacwadda badda labada dowladood ka dhexeeya awgeed si loo waydiiyo labada dhinacba aragtidooda ka dib markii Kenya ay codsatay codsi cusub oo ah in dhageysiga dacwada dib loo dhigo illaa Sebtember sanadaka 2020 iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya Madaxdooda ay diideen codsiga Kenya sidoo kale saacad xataa ogolaanayn in waqtiga lagu daro dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku adkaysatay in sidii qorshuhu ahaa 4 Noofambar 2019 dhageysiga uu dhaco.
Maalmaha nagu soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in war ay ka soo saarto Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya xiliga kama dambaysta ah ee labada dowladoodba doodooda la dhageysanayo.
Waxaana la filayaa I C J inay go’aan kama dambays ah ka gaarto xiliga dhageysiga dacwadaha labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya loo fariisanayo iyadoo 4 bisha November ee nagu soo aadan ku eg tahay labadii bilood ee codsigii Kenya iyadoo wali dowladda Kenya wado codsiyo kale oo ku aadan in loo kordhiyo waqtiga looguna daro laba bilood oo kale.
Hadda magaalada Hague ayaa waxaa ku wada sugan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Qareenka Guud ee Kenya Kennedy Ogeto si ay usoo ogaadaan waqtiga rasmiga ah ee dhageysiga uu bilaabanayo.
Kenya ayaa waxaa ku furan buuq iyo cabsi iyadoo rajo beel kii ugu darnaa ay ka muujinayaan dacwada badda ee Soomaaliya kala dhexeeya in loogu guulaysto.