Local News
Imtixaanka loo galo Qaadashadda Sharciga dhalashada Mareykanka oo wax laga baddalay
MINNEAPOLIS – Waaxda Adeegga Jinsiyadda iyo Socdaalka Mareykanka ayaa isbeddel ku sameysay imtixaanka ay galaan dadka qaadanaya sharciga dhalashadda dalka Mareykanka, gaar ahaan dadka naafada ah. Isbeddelka lagu sameeyay imtixaanka ayaa meesha ka saaray caqabado baddan oo lagu kordhiyay imtixaanka xilligii uu Donald Trump madaxweynaha ka ahaa dalka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay dadka naafada ah.
Imtixaanka ayaa kamid ah tallaabooyinka lagu qaato sharciga dhalashadda dalka Mareykanka. Waxaana dadka lagu imtixaamaa sida ay wax u akhrin karaan, u qori karaan, una fahmaan Ingiriisiga. Sidoo kale waxaa la fiiriya in ay fahmaan taariikhda iyo dawladda Maraykanka. Laga soo bilaabo 1994-tii, dawladda federaalka dalka Mareykanka ayaa u ogolaatay dadka naafada ah ee soogalootiga ah in ay helaan tix-gelin dheeraad ah oo u ogolaanaya in laga dhaafo qaar kamid ah shuruudaha laga rabo dadka qaadanaya imtixaanka, waa haddii ay codsaddaan.
Maamulkii hore ee Trump ayaa su’aalo baddan ku daray imtixaanka oo ballaariyay shuruudaha laga rabo dadka naafada ah ee codsada in sababo la xiriira naafadooda ay u baahan yihiin tix gelin dheeraad ah, iyaga oo mararka qaarkood wata cadeymo tusaya sababta ama sababaha ku kalifay in ay codsadaan
Bayaan uu soo saaray todobaadkii hore, Agaasimaha Waaxda Adeegga Jinsiyadda iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS) Ur Jaddo ayuu ku sheegay in dib u eegista iyo beddelka lagu sameeyay imtixaanka ay qayb ka yihiin amar uu soo saaray Madaxweyne Biden oo wax looga baddalayo nidaamka la xiriira sharciyadda socdaalka Maraykanka.