Wararka Soomaalida
Imtixaankii shahaadiga ee ka socday Muqdisho iyo Gobolada oo la hakiyey
Imtixaankii Dugsiyada sare 2019 iyo 2018 islamarkaana Shahaadiga ah ee11 bishan May uu si rasmi ah ugu furay Magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wasiira dowlaha wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa caawa waxaa joojiyey Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre […]
Imtixaankii Dugsiyada sare 2019 iyo 2018 islamarkaana Shahaadiga ah ee11 bishan May uu si rasmi ah ugu furay Magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wasiira dowlaha wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa caawa waxaa joojiyey Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ka dib arimo soo kordhay awgeed.
Ardayda Soomaaliyeed ee Imtixaanka Dugsiyada sare gelaya islamarkaana qaadayso dowladda Soomaaliya ayaa seddaxdii maalin ee la soo dhaafay gelayey Imtixaankaas ee Wasaaradda Waxbarashada ay qaadayso.
Sababta wasiirka waxbarashada uu u joojiyey Imtixaanaadka ayaa waxaa lugu sababeeyey ka dib markii ardaydu ay heleen Qishka Su,aalaha iyo Jawaabaha Imtixaanaadka ka hor inta aaney gelin Imtixaanka.
Tallaabadan uu qaaday wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa imaanaysa ka dib markii ka hor inta aaney lagu dhawaaqin inuu furan yahay Imtixaanka Shahaadiga ah baraha bulshada lagu soo bandhigayey in la helay Qishka Imtixaanka Dugsiyada sare ee ay qaadayso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Mas,uuliyiin ka tirsan Gudiga wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare oo ka jawaabay warqadaha lagu faafiyey baraha bulshada ayaa waxay ku sheegeen mid been abuur ah oo lagu dhaawacayo sumcadooda iyadoo warar hadda soo baxayna ay sheegayaan in Gudiga Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya lacago aad ufarabadan ku iibsadeen gudbinta Su,aalaha iyo jawaabaha Imtixaanka.
Qarashka ku baxay helitaanka Qishka Imtixaanka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay bixiyeen Maamulada Iskuulada farahabadan ee ardaydooda gelaya Imtixaanka ay qaadayso dowladda Soomaaliya iyagoo ka duulaya in aan ku dhicin Imtixaanka ardaydooda sida aan ka soo xiganay ilo warkooda lagu kal soonaan karo.
Wasiir Goodax oo ku maqnaa dalka sucuudiga soona Cimraystay maantana dib ugu soo laabtay Xafiiskiisa wasaaradda ayaa sheegay inay suurtagal ahayn in arday waxbartay soona dadaalay iyo mid dadaalkiisu xumaa ee isku halaynayo inuu Qish ku baaso hadhaw isku natiijo keenaan ama kii wax Qishay Buundo sareeyo sidaas awgeed ujoojiyey Imtixaankii lagudagalay seddax maalin ka hor sidoo kale gabi ahaanba wixii ardayda ka shaqeeyeen seddaxdii maalin ee la soo dhaafay ay yihiin waxba kama jiraan.
Waa sawirka Cimrada wasiir Goodax ee maanta ku soo laabtay Muqdisho
Cabdulaahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa sheegay in Imtixaanka dib loo geli doono 27-31 bishan May inta ka horaysana uu hagaajinayo wixii keenay in Imtixaanka Su,aalihiisa iyo Jawaabahaba ay helaan ardayda ka dibna la bedeli doono Su,aalaha Imtixaanka.
“Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya markay la tashatay bah wadaagta waxbarashada waxaan go’aan ku gaarnay in la joojiyo imtixaankii ka socday dalka islamarkana la baabi iyo natiijada madooyinkii la galay”
Imtixaanka sanad Dugsiyeedka 2019 iyo 2018 ee sanadkan ayaa wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya waxay Imtixaan ka qaadaysaa arday gaaraysa 31 Kun iyo 500 boqol oo arday Dugsiyada sare ah iyadoo ardayda Imtixaankaas ka kala gelayaan Muqdisho,Kismaayo,Jowhar,Baydhabo,Gaalkacyo iyo Garowe.