Wararka Soomaalida

In ku dhow 50 qof oo xabsiga loo dhigay rabshadihii Muqdisho

Dibad baxii maalintii sabtiga ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay dhigayeen dhalinyarada ka xamaasha Mooto Bajaajka ka dib markii nin dhalinyaro ah,ahaana Mooto Bajaajle iyo abtigiis lagu dilay Isgoyska Degmada Howl-wadaag ayaa waxaa Taliska Ciidanka Booliska usoo xireen 40 dhalinyaro Mooto Bajaajliyaal ah. Taliska Booliska ayaa ka codsaday Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Xeer ilaalinta Soomaaliya […]

Published

on

Dibad baxii maalintii sabtiga ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay dhigayeen dhalinyarada ka xamaasha Mooto Bajaajka ka dib markii nin dhalinyaro ah,ahaana Mooto Bajaajle iyo abtigiis lagu dilay Isgoyska Degmada Howl-wadaag ayaa waxaa Taliska Ciidanka Booliska usoo xireen 40 dhalinyaro Mooto Bajaajliyaal ah.

Taliska Booliska ayaa ka codsaday Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Xeer ilaalinta Soomaaliya in xabsiga lagu sii haayo dhalinyaradaan ilaa Baaritaanka artintooda ka soo dhamaadayo iyadoo dhalinyaradan ka midka ah Mooto Bajaajliyaashii Dibad baxa dhigayey lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen rabshadihii Sabtadii kadhacay Magaalada Muqdisho.

War Saxaafadeed maanta soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Degmada Howl-wadaag ayaa waxaa lagu cadeeyey in 40 dhalinyarada ah ay ahaayeen kuwii hor boodayey dibad baxaas ahan kuwii lahaa fikirka ah in mudaharaadka uu yeesho dareen intaas dhan ilaa Afar degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir ayaa isku xiraan dibad baxooda.

Dibad baxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay dhigeen dhalinyarada Mooto Bajaajka ka xamaalata ayaa waxaa uu sababay boob hanti iyo dhimashada labo qof oo rayid ahaa ka dib markii dhagxaan ay la dhaceen xarun Ciidan oo ku taala Howl wadaag.

Dhalinyarada 40 gaaraya ee uxiran rabshadaas ayaa waxaa loo haystaa dilkii labada qof ee iyaga usababta u,ahaa,boobkii hantida iyo Dibad baxa ay sameeyeen oo ahaa mid baalmarsan qaanuunka Mudaharaadka sida ku cad warkan ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version