Wararka Soomaalida

In qilaabyadii soomaray dalka Sudan(Akhriso)

Dalka Sudan ayaa maanta waxaa ka dhacay in qilaabkii 5-aad inta la xasuusto Taariikhda fog ee dalkaas ka dib markii maanta Milatariga Sudan oo gacan ka helaya shacabka dalkaas ay in qilaabeen Madaxweynihii muddada 30 sano ah xukumayey Sudan Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir. Afgambigii ugu horeeyey ee ka dhacay dalka Sudan xukun Milatarina ku […]

Published

on

Dalka Sudan ayaa maanta waxaa ka dhacay in qilaabkii 5-aad inta la xasuusto Taariikhda fog ee dalkaas ka dib markii maanta Milatariga Sudan oo gacan ka helaya shacabka dalkaas ay in qilaabeen Madaxweynihii muddada 30 sano ah xukumayey Sudan Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir.

Afgambigii ugu horeeyey ee ka dhacay dalka Sudan xukun Milatarina ku qabsada dalka Sudan waxaa sameeyey Jannaraal Ibrahim Abboud wuxuuna dhacay sanadka markuu ahaa 1958dii.

Wuxuu ahaa Jannaraal Ciidanka Milatariga Sudan xukuma ka dibna afgambi xoog Ciidan ah ayuu ku qabsaday dalka Sudan wuxuuna Xilka hayey oo dalka Sudan uu xukumayey 6 sano.

Shaqsigii labaad ee xukun Milatari ku qabsaday dalka Sudan ayaa waxaa uu ahaa Jannaraal Numairy wuxuuna dhacay afgambigaas sanadkii 1964tii.

Jannaralkan ayaa waxaa Sudan uu xukumayey 5 sano oo kaliya.

Sarkaalka seddaxaad ayaa waxaa uu ahaa Jannaraal Hassan Abdallah al-Turabi oo xukun milatari ku qabsaday dalka Sudan sanadka markuu ahaa 1969kii.

Al turabi ayaa xukunka hayey 20 sano ka dib Afgambigii uu ku qabsaday dalka Sudan.

Qofka 4-aad ee xukun milatari ku qabsaday dalka Sudan ayaa waxaa uu ahaa Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir sanadkii 1989kii.

Al Bashiir ayaa ah Sarkaalka ugu waqtiga dheeraa ee xukunka Sudan ka daahay wuxuuna hayey 30 sano.

Shaqsiga 5-aad ayaa wuxuu yahay Axmed Cawad Ibnu Cowf oo xukun milatari ku qabsaday dalka Sudan 2019ka.

Ibnu Cowf oo ah Sarkaalka cusub ee hadda afgambiyey Al Bashiir lama oga inta uu haysan doono xukunka dalkiisa ee Sudan.

Dhamaan Saraakiisha u dhashay dalka Sudan ayaa mid waliba midka kale uu xukunka kaga maroojistay xukun milatari waxayna wada ahaayeen saraakiil khibrad leh kana soo baxay jaamacado kulliyadaha Milatariga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version