Wararka Soomaalida

In ku dhaw 100 ruux oo xabsiyada Muqdisho lagu xiray

Howlgal maalmahamba ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay 70 qof oo ubadan dhalinyaro. Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal guri guri ah ka sameeyey degmooyinka Muqdisho waxaana lagu baadi goobayey xubnaha Al shabaabka ah ee dilalka ka gaysta Magaalada Muqdisho. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye […]

Published

on

Howlgal maalmahamba ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay 70 qof oo ubadan dhalinyaro.

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal guri guri ah ka sameeyey degmooyinka Muqdisho waxaana lagu baadi goobayey xubnaha Al shabaabka ah ee dilalka ka gaysta Magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed oo galabta shir jaraa,id ku qabatay xarunta Ciidanka Booliska ee Muqdisho ayaa sheegtay howlgaladii labadii isbuuc ee la soo dhaafay ka socday degmooyinka Xamar in lagu soo qabtay 70 ruux oo looga shaki qabo in ay ku jiraan xubno Al shabaab ka tirsan.

Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay dhamaan dhalinyaradii Ciidamada howlgalada ay ku soo qabteen in ay ku socoto baaritaan iyo su,aal waydiin iyagoo hadda lagu hayo Xabsiyada ku yaala Muqdisho.

Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa intaas warkeeda raacisay in dhalinyaradan howlgalka lagu soo qabtay ee gaaraya 70 qof qaar ka mid ah la tuhunsan yahay in dilal ka dhacay degmada Xamarweyne ay ka dambeeyeen.

Dhalinyarada 70 ruux ah ee howlgalada lagu soo qabtay ayaa Taliska Ciidanka Ciidanka Booliska Soomaaliya waxay sheegeen in sharciga dhawaan la hor keenayo.

sababta ka dambaysa in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay howlgalo har iyo habeenba ah ay ka sameeyaan xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxay tahay sidii looga hortagi lahaa weerarada iyo dilalka isdabajooga ah ee kooxda Al shabaab ay ka fuliyaan Muqdisho markii la gaaro Bisha barakaysan ee Ramadaan sida Saxaafadda ay u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waa howlgalkii ugu waqtiga dheeraa uguna  cuslaa ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir abid ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho tiro intaas la,egna ay ku soo qabtaan tan iyo intii hogaanka dalka uu la wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo sanadkii 2017dii 8-dii bishii January.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version