Wararka Soomaalida

Intabadan Taliyaashii saldhigyada Muqdisho oo la bedelay

Ka dib kulankii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee uu iskuuga yeeray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre Taliyaasha Ciidamada AMISOM iyo Taliyaasha Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa Kulankaas looga hadlayey arrimaha amaanka Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa lagu go,aamiyey in isbedel lagu sameeyo Taliyaasha Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Magaalada Muqdisho. Waxaana intabadan la bedelay […]

Published

on

Ka dib kulankii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee uu iskuuga yeeray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre Taliyaasha Ciidamada AMISOM iyo Taliyaasha Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa Kulankaas looga hadlayey arrimaha amaanka Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa lagu go,aamiyey in isbedel lagu sameeyo Taliyaasha Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana intabadan la bedelay Taliyaashii Saldhigyada Booliska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana loo magacaabay Taliyaal dhalinyaro cusub ah.

Magacabista Taliyaasha xalay la magacaabay ayaa ahaa Saraakiishii laga soo bedelay Nabad Sugidda Waxaana loo magacaabay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir waxayna kala yihiin

1-Axmed Qadar oo loo magacaabay Saldhiga Xamar-Weyne.

2-Xuseen Cad Ceed oo loo magacaabay Saldhiga Wardhiigley.

3-Liibaan shidane oo loo magacaabay Saldhiga Degmada Kaaraan.

4-Bashiir oo loo magacaabay Saldhiga degmada Hodon.

5-Cali Calasow Goofjooge oo loo magacaabay saldhiga degmada Hilwaa.

6-Najiib Carab oo loo magacaabay saldhiga Degmada Boondheere.

7-Ismaaciil Muuse oo loo magacaabay Saldhiga degmada Dharkaynley.

8-Mooshin oo loo magacaabay Saldhiga degmada Waaberi.

9-Yaasiin Ganeey oo loo magacaabay ku xigeen qayb.

Waa isbedelkii ugu weynaa ee mar qura ka dhacay Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir  waxaana saraakiishan ay intooda badan ahaayeen taliyaashii Nabadsigidda Degmooyinka Gobolka Banaadir ka hor inta aan loo soo wareejin Ciidankan Policka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version