Wararka Soomaalida

Isbitaalada ku yaalla Nairobi oo dhaawacyo la dhigay Daawo Sawirada

Koox hubaysan oo ka tirsan Al shabaab ayaa galabta weerar ay u adeegsadeen Gaari Qarax ah ku qaaday Hotelka Dusit ee ku yaalla Degmada Westelands ee Caasimadda Kenya. Qaraxa Gaariga ee Al shabaab ay ku dhufteen Derbiga Hotelkaas ka dib ayaa waxaa Hotelka utalaabay Afar ka tirsan Kooxda Al shabaab sida ay xaqiijiyeen qaar ka […]

Published

on

Koox hubaysan oo ka tirsan Al shabaab ayaa galabta weerar ay u adeegsadeen Gaari Qarax ah ku qaaday Hotelka Dusit ee ku yaalla Degmada Westelands ee Caasimadda Kenya.

Qaraxa Gaariga ee Al shabaab ay ku dhufteen Derbiga Hotelkaas ka dib ayaa waxaa Hotelka utalaabay Afar ka tirsan Kooxda Al shabaab sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii weerarkan laga soo badbaadiyey.

Hotel Dusit ayaa waxaa uu ka kooban yahay 7 Biyaano ama Dabaq waxaana Kooxda usuurtagashay in si buuxda gacanta ay uga dhigaan Hotelka gudihiisa iyo dhismaha uu ka kooban yahay,wali xaalada Hotelka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay qasntahay xaalada Dusit Hotel ee Nairobi.

Isbitaalada Waaweyn ee ku yaalla Magaalada Nairobi ayaa waxaa la dhigay 16 qof oo iskuuga jira Haween,Caruur,waayeel,dhalinyaro iyo Rag ubadan da,da meel dhaxaadka ah.

Isbitaalada lagu dhabiibayo dadkaas ku dhaawacmay weerarka Al shabaab ay ku qaadeen Hotelka Dusit ayaa waxaa ka mid ah MP Shah Hospital,Aga Khan Hospital iyo Nairobi Hospital,dadka qaba dhaawacyada ah ayaa waxaa ku jira Haween Uur leh.

Hotelkan Al shabaab ay weerareen ee lagu magacaabo Dusit ayaa waxaa ku yaalla Xafiisyo ay leeyihiin Shirkado kala duwan oo ka mid ah kuwa Kenyanka ah iyo Shirkado Ajanabi ah,waxaa intaas dheer oo Wargayska Tusmotimes usuurtagashay in aan ogaanay in Hotelka Dusit ay deganaayeen Mas,uuliyiin iyo Shaqaale Dowladda Kenya ah.

Dadweyne farabadan ayaana buux dhaafiyey Isbitaalada iyo agagaarka dhismahan Al shabaabka ay wali ka dhacay dagaalamayaan waxaana Sidoo kale la xiray dhamaan wadooyinka soo gala Hotelka Dusit.

Ciidamada Kenya ayaa wali la daaladhacaya dagaalka ay kula jiraan Kooxdan Al shabaabka ah ee wali ka dhex dagaalamaya dhismaha Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi.

Wixii ku soo kordha mar walaba kala soco Tusmotimes insha, Allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version