Wararka Soomaalida

Iscasilaadii Wasiirkii warfaafinta oo xog laga helay

Daahir Maxamuud Geele oo ahaa wasiirkii Warfaahinta Soomaaliya ayaa galabta si lama filaan ah ugu dhawaaqay iscasilaad ka dib markii warqada iscasilaada ah uu geeyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre. Wasiirkaas iscasilay ayaa xilkan hayey mudo ku dhaw 11 bil ka dib markii Ra’iisul wasaaraha umagacaabay xilkaas. Xog uu helay Wargayska Tusmotimes ayaa […]

Published

on

Daahir Maxamuud Geele oo ahaa wasiirkii Warfaahinta Soomaaliya ayaa galabta si lama filaan ah ugu dhawaaqay iscasilaad ka dib markii warqada iscasilaada ah uu geeyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre.

Wasiirkaas iscasilay ayaa xilkan hayey mudo ku dhaw 11 bil ka dib markii Ra’iisul wasaaraha umagacaabay xilkaas.

Xog uu helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaysa in Daahir Maxamuud Geele la damacsanaa in xilka qaadis ku soo wajhaneed sidaas awgeed uu kaga hormaray intii laga qaadin xilka asaga iscasilay ka dib markii uu helay war sheegaya in xilka qaadis ku soo socoto.

ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo kana howlgala qaybta warfaafinta ayaa inoo sheegay in Daahir Maxamuud Geele la doonayey in xilka laga qaado maalma dhaw waliba inta la gaarin bisha soon ee foodda nagu soo haysa ka dibna qaar ka mid ah shaqaalaha warfaafinta ay la wadaageen Daahir Geele xogtaas.

Daahir iyo Khahre ayaa la sheegay in bilooyin kaamba aan isku wanaagsanayn ka dib markii Daahir Maxamuud Geele looga shakiyey inuu xiriir la leeyahay warbixina uu u gudbiyo Xildhibaanada Mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta dowladda ka soo hor jeeda sida ay inoo sheegeen ilaha aan xogtan ka helnay.

In wasiirkii iscasilay ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geele xilka qaadin ku soo wajahneed ayaa waxaa kuuga daliil ah sida dhaqsiyaha leh ee Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Wasiirka lagu bedelay Daahir Maxamuud Geele ee ah wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha xagga awood qaybsiga Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ENG Cabdulaahi Cali Xasan ayaa waxay isku heyb yihiin Daahir Maxamuud Geele ee iscasilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version