Wararka Soomaalida

Isgayska Sanca oo lagu dilay Sarkaal Madaxtooyada ka tirsanaa

Published

on

Isgoyska Sanca degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta lagu dilay laba Xidigle ka tirsanaa Ciidanla koofiyo Gaduudka ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya waxaana wararku ay sheegayan in dilkiisa ay fuliyeen seddax nin oo Bastoolado ku hubaysnaa ka dibna ka baxsaday goobta sida wararka nagusoo gaareen.

Sarkaalkan lagu dilay degmada kaaraan ee ka tirsanaa Ciidanka ilaaliya Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay laba Xidigle Cabdi deeq xiligii kooxdan dilaysay wuxuu watay Mooto nooca laba lugaalayda ah ama dhug dhugleey.

Goobta dilkan ka dhacay ee ah Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan ayaa waxaa gaaray Ciidanka amniga iyadoo ilaa hadda wax natiija ah ka keenin howlgal xaafadaha Sanca ay ka fuliyeen.

Dhinaca kale dilkaas laba Xidigle Cabdi Deeq ayaa waxaa durba sheegtay kooxda Al shabaab waxayna sheegeen in galabta Isgoyska Sanca ay ku dileen Saraal ka tirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya iyagoo magaca Sarkaalka ay dileen ku sheegay laba Xidigle Cabdi Deeq xili sida ay sheegeen Mooto u marayay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan.

Aalaaba markii magaalada Muqdisho gasho xoogaa deganaan amni soo hagaagid ah ayaa Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda qaar ka mid ah waxay sameeyaan socdaal kalsooni badan ku irto iyagoo hilmaama xaalada amini xumo ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kooxda Al shabaab ayaa xiligaasi ka faa,iidaysta xaaladaas deganaanta ah ee laga dareemayo Magaalada Muqdisho ka dibna ugaarsi ku bilaaba hadba shaqsigii ay u,arkaan in amnigiisa dayacan yahay.

Falkan dilka ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho muddo ku siman afar bilood wax dil ah iyo qaraxyo midna ka dhicin waana tan keentay in Ciidanada Koofiyo Gaduud kalsooni ay ku qabaan amniga awgeed qaataan Mooto dhug dhugleey dabadeedna sifudud lagudilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version