Wararka Soomaalida

Iska hor imaad sababay dhimasho oo ka dhacay Muqdisho

Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa caawa waxaa dagaal kooban uu ku dhaxmaray Ciidanka Booliska oo ku jiray roondo amini sugid ah iyo shaqsi ku hubaysnaa Bastoolad ka dib markii Ciidanka Booliska ay ka shakiyeen ruuxaas ku hubaysnaa Bastooladda ka dinna waxaa dhaxmaray dagaal sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah dadka ku nool […]

Published

on

Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa caawa waxaa dagaal kooban uu ku dhaxmaray Ciidanka Booliska oo ku jiray roondo amini sugid ah iyo shaqsi ku hubaysnaa Bastoolad ka dib markii Ciidanka Booliska ay ka shakiyeen ruuxaas ku hubaysnaa Bastooladda ka dinna waxaa dhaxmaray dagaal sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah dadka ku nool Degmada Boondheere gaar ahaan xaafadda dagaalka uu ka dhacay.

Dagaalkaas ayaa la sheegay in khasaarihiisa uu yar yahay iyadoo la sheegayo in Ciidanka Booliska ay toogteen ruuxii Bastooladda ku hubaysnaa ee dagaalka lagalay Ciidanka amniga ee Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay in caawa Degmada Boondheere dagaal ku dhaxmaray Ciidanka Booliska iyo nin dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa Bastoolad ka dib markii uu diiday amarka Ciidanka ka dibna uu dagaal ku qaaday sidaasna uu ku dhacay dagaalka.

Taliye Sakiye Xuseen Axmed ayaa intaas warkeeda ku dartay in Ciidanka Booliska ay toogteen ruuxaas waxayna ku sifaysay ninka dhalinyarada ah inuu ka mid ahaa kooxda Al shabaab isagoo doonayay inuu wax yeelo ugeysto Ciidan shaqo Qaran ku jira.

Sakiye Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay iska hor imaadkaas caawa ninka Al shabaabka ah iyo Ciidanka roondada amni sugid ah ku jiray ee dagaalka ku dhaxmaray Boondheere Ciidanka iyo shacabkaba dhimasho iyo dhaawac midna ka soo gaarin.

“Israsaaseyn caawa ka dhacday degmada Boondheere ayaa waxay dhaxmartay ciidamada amniga iyo nin Al shabaab ah iyadoo Ciidanka Booliska ay toogteen dhagar qabahii ku hubaysnaa Bastoolada xili Ciidamada ay ku jireen sugida amniga isla meeshaas ayuu ku dhintay ruuxaas Al shabaabka ah,ninkaas wuxuu doonayay inuu wax yeeleeyo Ciidan gudana waajibaadka Qaran ee saaran,nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas lagu khaarijiyay xubin ka mid ah kooxda Al shabaab”ayay ku soo qortay barteeda Twitter-ka Sakiye Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version