Wararka Soomaalida
Iskaashiga cusub ee Dowlad Goboleedyada oo soo saaray War xasaasi ah(Akhriso)+sawiro
Iskaashiga dowlad Goboleedyada cusub ee kala ah Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ee caawa iskaashigaas kaga dhawaaqay Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 7 Qodob kuna saabsan Siyaasadda,amaanka dalka iyo wada shaqaynta Golahooda cusub. Qodobadaas ee ay soo saareen ayaa waxaa ka mid ah ka shaqaynta midnimada,xoojinta […]
Iskaashiga dowlad Goboleedyada cusub ee kala ah Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ee caawa iskaashigaas kaga dhawaaqay Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 7 Qodob kuna saabsan Siyaasadda,amaanka dalka iyo wada shaqaynta Golahooda cusub.
Qodobadaas ee ay soo saareen ayaa waxaa ka mid ah ka shaqaynta midnimada,xoojinta la shaqaynta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo kamid ah ka shaqaynta amaanka dalka iyo la dagaalanka xagjirnimada Soomaaliya iyagoo wadajira.
Goluhu wuxuu intaas ku daray inay xoojinayaan wada shaqaynta iyo is aaminaada dhaxdooda ah iyagoo gudi umagacaabi doona arimahooda gaarka ah gudigaasoo ka howlgalaya danahooda gaarka ah iyadoo laga talagelinayo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Hoos ka Akhriso warmurtiyeedka.