Wararka Soomaalida
Isku qalab aruursi ciidan oo ka bilowday Muqdisho
Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan cabsi ah in dagaal dhiig badan uu ku daato ka dhicikaro degmadaas xaafad ka mid ah ka dib markii mid ka mid ah Xildhibaanadan Golaha Aqalka sare uu ka dhega,adeegay amar ka soo baxay Madaxda sare ee Soomaaliya. Amarkaas oo ku aadan […]
Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan cabsi ah in dagaal dhiig badan uu ku daato ka dhicikaro degmadaas xaafad ka mid ah ka dib markii mid ka mid ah Xildhibaanadan Golaha Aqalka sare uu ka dhega,adeegay amar ka soo baxay Madaxda sare ee Soomaaliya.
Amarkaas oo ku aadan in mudanahaas lagu wargeliyey in uu baneeyo dhismo ka mid ah hantida Qaranka oo Xildhibaanka xoogga uu ku haysto sida uu sheegayo Wararka aan ka helnay Degmada Kaaraan.
Xildhibaankan ka mid ah Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ee diiday in uu wareejiyo dhismaha ku yaala Degmada Kaaraan ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Suudi Yalaxow.
Muuse Suudi Yalaxow oo mar ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii soo maray Soomaaliya kana mid ahaa kuwa ugu tunka weynayaa ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Ciidan wata gaadiid farabadan aadana uhubeysan uu ka dalbaday Gobolka Shabeelada dhexe soona gaaray Magaalada Muqdisho si haddii dowladda soo weerarto ay ugu difaacaan.
Dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa in ay diyaarisay Ciidankii iyo gaadiidkii lagu weerari lahaa dhismahaas ee Xoogga uu ku haysto Muuse Suudi Yalaxow sida aan Wararka nagu soo gaarayaan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa uqabtay Muuse Suudi Yalaxow in dhismahaas uu ku baneeyo 24 saac gudahood haddii kale xoog loo adeegsan doono.
Shacabka ku nool faalada uu ku yaalo dhismahaas ayaa sheegaya in cabsi xoogleh ay soo food saartay ka dib markii Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow Ciidan hubaysan oo aad utirobadan iskuuga geeyey xarunta dhismaha iyadoo dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya Wararka ka imaanaya uu sheegayo in dagaal udiyaar garoobeen ka dib markii Xildhibaan Muuse Suudi uu diiday waan waan maalmahanba ay kula jireen Odayaal isku heebyihiin.
Dhinaca kale war uu si hoose uu uhelay Wargayska Tusmotimes xafiiska Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhismahan la,isku haysto dowladda Soomaaliya ay ka iibsatay dowladda QATAR iyadoo dowladda QATAR dhismahaas ay ka dhiganayso xarun muhiim ah oo hey’adahooda fariisin u,ahaan doonto.