Wararka Soomaalida

James Swan oo deg deg ugaaray Garowe ka dib mooshinkii laga gudbiyay Deni

Published

on

Madaxweynaha maaamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefdi uu horboodayay Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo safiirka qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wefdigiisa dhaxmaray ayaa waxaa qayb ka ahaa mas,uuliyiin ka tirsan Golaha wasiirada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr James Swan oo kulan ka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta ayaa Madaxweynaha Puntland wuxuu tilmaamay in ay ka wada-hadleen safiirka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga,wuxuuna uu uga mahadceliyey hay’addaha Qaramada Midoobay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka gaar ahaan deegaanada Puntland waxaa kaloo uu xusay Madaxweynaha maamulka Puntland in shaqooyinkaasi ay muddo dheer soo socdaan

Shirkaas oo galabta dhacay ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlay wixii shalay kala qabsaday Siciid Cabdulaahi Deni iyo qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka Puntland iyo Mooshinkii ay gudbiyeen 29 Xildhibaan laakiin shirkajaraa,id ee galabta ay qabteen midkoona maku soo hadal qaadin arimaha Mooshinka iyo sidii deg dega ahayd ee Madaxweynaha Puntland uga baxay kulanka Baarlamanka.

“Maanta waxaa Garoowe nagu soo booqday Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo runtii waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga waxaan isla eegnay meelaha u baahan in la sii horumariyo oo horumarka laga gaaray,meelaha u baahan in waxlaga bedelo waan ka yeelanay aragtida fiican ee ay inoo soo jeediyeen,sidoo kale waxaan aad ugu dheeraanay xaalada siyaasadeed ee hadda dalka uu marayo runtii wafdiga waxay qireen marxaladda hadda Soomaaliya ka jirto in ay u baahan tahay in wadahadal dheeriya laga yeesho si arrimaha dalka ka taagan aragti midaysan laga yeesho iyadoo markasta la eegayo maslaxadda guud ee dadka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan,waxaan isla qeexnay sidii wadahadal looga geli lahaa arimaha khilaafka ah ee dowladda dhexe waxaana usheegay in Puntland wax walba diyaar la tahay iyo sidoo kale waxaan isku soo hadal qaadnay arrinta Jubbaland oo runtii mudadii u dambaysay ka taagnayd caqabad dhanka siyaasadda ah waxaan rajaynayaa in wax walba meel wanaagsan ku dhamaadaan”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaaran ee ay Puntland ka gaartay dhanwalba.

“Puntland waxan aad ugu bogaadinaynaa hawlgallada ay waddo ee ka dhanka ah Al-shabaab iyadoo weliba adeegsanayna keliya ciidamadeeda iyo dhaqaalaheeda gaarka ah waxan uga mahadcelinaynaa Madaxwayne Deni sida uu si iskiis ah isaga xil saaray xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka tusaale ahaan Shirkii Garoowe ee qabsoomay bishii May dadka reer Puntland waxay ku faanan horumarka ay sameeyeen 21-kii sano ee lasoo dhaafay”. Ayuu yiri Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr James Swan.

Trending

Exit mobile version