Wararka Soomaalida
Jannaraal Khafaji iyo wafdigiisa oo booqday xarumaha Ciidamada+sawiro
Wafdigii ka socday dalka Masar ee maalmahamba ku suganaa Magaalada Muqdiaho ayaa maanta booqday xarumaha Ciidanka xoogga dalka ee ku yaala Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda iyadoo ay booqashada ku weheliyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya. Jannaraal Waxiid Ibraahim Khafaji oo ah Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga dalka Masar ee dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdiaho ayaa maanta […]
Wafdigii ka socday dalka Masar ee maalmahamba ku suganaa Magaalada Muqdiaho ayaa maanta booqday xarumaha Ciidanka xoogga dalka ee ku yaala Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda iyadoo ay booqashada ku weheliyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Jannaraal Waxiid Ibraahim Khafaji oo ah Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga dalka Masar ee dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdiaho ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga dalka iyo kulliyadda Jaalle Siyaad ee ku yaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdiaho islamarkaana ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka.
Wafdigan ka socda dalka Masar ayaa waxay kaloo booqdeen Xerada Bengala ee Gobolka Shabeelada hoose dhanka Jasiira halkaas oo ay degan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Booqashadan wafdiga Masaarida ayaa waxaa ku weheliyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Saree Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal iyo qaar ka mid ah saraakkiisha Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa warbixin ka siiyey Wafdiga Masar dhamaan xerooyinkii ay kormeerka ku soo sameeyeen.
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga dalka Masar Jannaraal Waxiid Ibraahim Khafaji ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu ahaa waligiidba mid sareeya wasaaradda Gaashaandhiga Masarna diyaar la tahay taakulaynta Ciidanka dalka Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa ugu mahadceliyey sida sharafta leh ee wafdiga Masar ubalanqaadeen taakulaynta Ciidanka Soomaaliya.