Wararka Soomaalida

Jibriil Afyare oo xil loo magacaabay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xil loogu magacaabay Eng. Jibril Afyare. Eng. Jibril Afyare ayaa loo magacaabay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay daka Uganda. Jibriil Afyare ayaa ah aqoon yahan Soomaaliyeed iyo hogaamiye ku caan baxay u ololeynta iyo taageerida dadka Soomaaliyeed. Jibril Afyare ayaa caan […]

Published

on

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xil loogu magacaabay Eng. Jibril Afyare.

Eng. Jibril Afyare ayaa loo magacaabay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay daka Uganda. Jibriil Afyare ayaa ah aqoon yahan Soomaaliyeed iyo hogaamiye ku caan baxay u ololeynta iyo taageerida dadka Soomaaliyeed. Jibril Afyare ayaa caan ku ah arrimaha sama-falka ah ee uu mar walba la garab taagan yahay dadka iyo dalka Soomaaliya.

Eng. Jibril Afyare oo booqday lana kulmay qaar kamid ah maatida ku jirta Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Eng. Jibril Afyare oo ah aqoon yahay ku takhasusay cilmiga iyo maadada Software Engineering-ka, mudo badana u shaqaynayey shirkadda weyn ee IBM ayaa waxaa loo magacaabay Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda.

Sidoo kale Eng. Jibril Afyare ayaa dalka Mareykanka ka aasaasay hay’ada dhowr ah oo iyagu u adeega bulshadda Soomaaliyeed. Hay’ada Somali American Citizens League ayaa kamid ah hay’adaha uu hogaanka ka ahaa Eng. Jibril Afyare oo uu ugu adeegi jiray jaalliyada Soomaaliyeed.

Mudane Jibril Afyare ayaa la kulmay Safiirka iyo shaqaalaha iyo howl wadeenada Safaaradda iyaga oo ka wada hadlay arimaha shaqo ee safaaradda iyo hormarinteeda.

Jibril Afyare ayaa la kulmay Safiirka iyo shaqaalaha iyo howl wadeenada Safaaradda loo magacaabay.

Aqoon yahan Jibril Afyare ayaa kamid ah Soomaalida deggan Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, wuxuuna kamid yahay dadka tiradda yar ee hadh iyo habeen u dhaq dhaqaaqa arimaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, dalka Maraykanka iyo guud ahaanba dunida inteeda kale.

Haddaba waxaa hal-hays u ah Eng. Jibril Afyare oo uu mar walba ku guubaabiyaa bulshadda Soomaaliyeed, ” Dalkeena iyo Dadkeena waa inoo baahan yihiin”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version