Community

Kala Hadal Dhalinyaradaada Sigaarka Korontada ku Shaqeeya (E-CIGARETTE)

Published

on

Waxaa soo badanaya qalabyada sigaarka loo isticmaalo ee casriga ah. Qalabkaas koronta ku shaqeeya waxaa ka mid ah sigaarka korontada ku shaqeeya, ee loo yaqaan “e-cigarettes” oo ah qalab si heer sare ah oo qurxoon loo soo sameeyay. Farsamada iyo dhaldhalaalka kala duwan ayaa markiiba soo jiidanaysa dhalinyarada oo keenaysa in dhalinyaradu  si fudud ku qabatimaan.  Sigaarka korontada ku shaqeeya waxaa ku jirta nikotiin oo ah maadada sigaarka ku jirta ee keenta in la qabatino sigaarka.  Waxaa kale oo lagu soo daraa caraf udgoon oo kala duwan oo soo jiidanaysa caruurta iyo dhalinta.

Sida ay xaqiijiyeen khubarada caafimaadka gobolka Minnesota waxaa kor u kacay tirada caruurta iyo dhalinyarada isticmaasha sigaarka korontada ku shaqeeya ee dhigata iskuulada dhexe iyo sare ee Minnesota. Intii u dhexeysay sanadkii 2017 iyo 2018 tirada caruurta iyo dhalinyarda isticmaasha sigaarka korontada ku shaqeeya waxa ay gaadhay  1.5 million. Waxaa kale oo jirta baaditaan la sameeyay in xayaysiiyada lagu baahiyo baraha bulshada, joornaalada iyo TV-yada dalku ay sare u kacday 70% sanadkii 2016. Dadka xayaysiinaya sigaarka korontada ku shaqeeya waxa ay dadka uga dhigaan in aanay caaimaadkooda waxba yeelaynin, waxayna dhalinyarada u toosiyaan in ay tahay wax keenayso in ay akhyaarnimo u horseedayo, arintaas oo u sahlaysa caruurta iyo dhalinyaradaba in ay si sahal ah u bilaaabaan. 

Nooca uga caansan sigaarka korontada ku shaqeeya dalka Maraykanku waa nooc la dhaho JUUL oo u muuqaal eg USB Drive (flash drive. Dhalada yar ee dareeraha ah ee JUUL-ka nikotiinta ku jirtaa waxay u dhigantaa 20 xabbo oo sigaarka caadiga ah.

WAA MAXAY HALISTA CAAFIMAAD? 

Sida la wada ogsoon yahay sigaarka korontada ku shaqeeyaa waxa ku jirta maadada nikootiin, taasi oo marka jidhka ay la falgasho, jidhku uu qabatimo, la’aanteedna aanu qofku joogi karin. Waa marka uu qofka isticmaala tubaakada uu dhahayo “xaraarad ayaa i haysa”. Hadaba nikootiintu ama daroogadu waxa ay waxyeelo wayn u gaysataa maskaxda caruurta iyo dhalinyarada maadaama ay maskaxdoodu sii korayso illaa oo uu qofku gaaro 25 sano jir. 


Xigasho: Jessi Olarsch

Baadhitaan la sameeyay waxa la xaqiijiyay caruurta iyo dhalinyarada isticmaasha sigaarka korontada ku shaqeeya, in ay sidoo kale aakhirkooda bilaabaan isticmaalka sigaarka caadiga mudo ka dib. Qaybta dareeraha ah ee sigaarka koranta ku shaqeeya marka la kululeeyo waxa ay samaysaa qiiq qoyan ama uumi (aersol). Qaacaas waxa ku jira maadooyin culus oo bir ka samaysan oo halis ku ah caafimaadka dhalinyarada iyo caruurta, birahaas waxaa ka mid ah kuwa keenay xanuunka kansarka. Marmarka qaarkood, waxa dhici karta in sigaarka korontada ku shaqeeyaa uu qarxo oo qofka waxyeeleeyo.  

Ugu danbayn, waxaa muhiim ah in waalidku ay fahmaan halista sigaarka korontada ku shaqeeya, oo aad ugu soo badanaya dhalinyarada, oo waalidiin badanina aysan ka warqabin. Sidaas darteed, waalidku waa in ay si fiican u bartaan dhamaan noocyada kala duwan ee loo sameeyo sigaarka korontada ku shaqeeya oo ay aqoon buuxda u yeeshaan caafimaad darada sigaarka korantada ku shaqeeyaa u gaysato dhalinyarada.   

Qore: Abdirahman Mohamud WellShare International Email: amahamud@wellshareinternational.org

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version