Wararka Soomaalida

Kenya oo ka hadashay xanibaadii Xildhibaanada iyo Wasiirada Soomaaliya

Wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma oo ka hadashay Tallaabada lagu xanibay wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi kaga qayb gelilahaa shir halka ka furmaya ayaa waxay jawaab ka meermeerid ah ka bixisay ficilka ay kula dhaqaaqeen mas,uuliyiinta Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay inaysan xog dhamaystiran ka haynin sida […]

Published

on

Wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma oo ka hadashay Tallaabada lagu xanibay wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi kaga qayb gelilahaa shir halka ka furmaya ayaa waxay jawaab ka meermeerid ah ka bixisay ficilka ay kula dhaqaaqeen mas,uuliyiinta Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay inaysan xog dhamaystiran ka haynin sida wax udhaceen laakiin waxay carabka ku dhufatay inay adagtahay mas,uul aan Visa wadanin inuu ka gudbo Garoonka Jomo Kenyatta.

Waxay intaas hadalkeeda raacisay in dhamaantooda ay ku socdaalaan Visa-ha dal ku galka hadii ay dhab tahay mas,uul wata Visa-ha dal kugalka in loo diiday inuu galo Magaalada Nairobi layaab ku noqonayso arinkaas sida uu udhacay.

Qoraal barteeda Facebook soo gelisay wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa waxay sheegtay wixii qabsaday mas,uuliyiinta Soomaaliya ee doonayey inay Nairobi kaga qayb galaan shirka inaysan faafaahin ka haynin qaabka ay wax udhaceen.

Hadalkan jawaabta ka meermeerida ah ee ay bixisay wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma kuna saabsan xanibaadii Xildhibaada iyo wasiirada Soomaaliya ee loo diiday in Kenya ay siiso Visa-ha dal kugalka ayaa waxay imaanaysaa kagadaal markii dib usoo laabteen Xildhibaanadii iyo wasiiradii Soomaaliya ee loo diiday inay galaan Magaalada Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version