Wararka Soomaalida
Kenya oo ka jawaabtay hadalkii Baarlamanka Jaamacadda Carabta
Dowladda Kenya ayaa ka hadahay baaqii uu dhawaan soo saaray Baarlamaanka Carabta ee Kenya looga digayay inay ka waantowdo ku xadgudubto biyaha Soomaaliya ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar. War ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay weerar diblomaasiyadeed ku qaadday Kenya iyadoo hadda […]
Dowladda Kenya ayaa ka hadahay baaqii uu dhawaan soo saaray Baarlamaanka Carabta ee Kenya looga digayay inay ka waantowdo ku xadgudubto biyaha Soomaaliya ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.
War ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay weerar diblomaasiyadeed ku qaadday Kenya iyadoo hadda Soomaaliya baarlamaanka Carabta hor gaysay arimihii labada wadan ka dhaxeeyay.
Kenya ayaa intaas raacisay in dacwadda ay billowday Soomaaliya 2014-kii geysay Maxkamadda ICJ, haddana ay Baarlamaanka Carabta hordhigtay, taasi oo ay ku qeexday dagaal diblomaasiyadeed oo xooggan dowladda Kenya Dowladda Soomalaiya kala kulmayso.
Kenya ayaa shalay loo doortay hoggaanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee la socda dhaq dhaqaaqa Burcad Badeedda Soomaalida, taasi oo Soomaali badan ka carreysiisay.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wali kama hadlin go’aanka Kenya lagu siiyay in muddo labo sano ah ay ilaaliso biyaha Soomaaliya balse war si hoose Idaacadda Danan u heshay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu arrintan kala hadlay hay`adaha dowladda federaalka ee arimahan quseeya