Wararka Soomaalida

Kenya oo qaaday Talaabo kale oo Deg deg ah

War maanta ka soo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu xiran yahay Xadka ay la wadaagaan Soomaaliya islamarkaana joojisay gebi ahanba ganacsigii uga iman jiray dhinaca dalka Soomaaliya. Goobaha sida gaarka ah Kenya uxirtay ee xadka ku saabsan ayaa waxaa ka mid ah dhanka Lamu, oo ah mid […]

Published

on

War maanta ka soo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu xiran yahay Xadka ay la wadaagaan Soomaaliya islamarkaana joojisay gebi ahanba ganacsigii uga iman jiray dhinaca dalka Soomaaliya.

Goobaha sida gaarka ah Kenya uxirtay ee xadka ku saabsan ayaa waxaa ka mid ah dhanka Lamu, oo ah mid ka mid ah afarta marin xuduudeed ee Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya ayadoo saddexda kale ay yihiin Mandera,Wajir, iyo Gaarisa.

Madaxa booliska Lamu,Muchangi Kioi ayaa Saxaafadda usheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya xuduudda ay u furnaan doonto oo kaliya saraakiisha amniga qaabilsan.

Dadka ku nool Lamu ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay waxa ganacsi ah la sameeyaan dhinaca dalka Soomaaliya.

Muchangi Kioi ayaa wariyaasha usheegay in cid kasta oo uhogaansami wayso amarkooda lagala noqonayo sharciga Shatiyada ganacsiga, islamarkaana xabsiga loo taxaabi doono.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay qabteen “10 jawaan oo sokor sharci-darro ah oo ka timid Soomaaliya iyo xirmooyin caano geel ah”

Dadka dukaamada ganacsi ku leh dhanka xuduudda ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu amray inaysan iibin karin wax badeeco ah oo ka yimaada dhinaca Soomaaliya sidoo kale ka iibin karin badeecadaha dadka Soomaalida ah ee degan xadka labada wadan ay wadaagaan.

Xiriitaanka xuduudda ayaa ah talaabo kale oo ay qaaday Kenya iyadoo waxaas oo dhan Kenya usamaynayso muranka Badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version