Wararka Soomaalida

Khasaaraha ka dhashay weerarkii Hotel SYL oo soo baxay

Published

on

Weli Hotel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota rasaas ay is dhaafsanayaan kooxdii caawa weerartay Hotelka iyo Ciidamada amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo la sheegayo in labo ka mid ah maleeshiyadii soo weerartay SYL Hotel weli ka dhax dagaalamayaan gudaha Hoteelka.

Khasaaraha hor dhaca ah ee la ogaaday inuu ka dhashay weerarkaas ayaa wuxuu gaarayaa dhimashada 5 qof oo ubadan shacabkii ku cawaynayay Hoteelka halka dhaawacana uu gaarayo ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan Xildhibaan hore oo lagu magacaabo Geesa cadde iyo Gudoomiye ku xigeenka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Cabdixamiid Cabdikariin.

Xildhibaanka hore ee Geesa cadde iyo Gudoomiye ku xigeenka Boondheere Cabdixamiid ayaa dhaawacooda waxaa lagu sheegay inuu yahay mid fudud oo sahlan.

Xildhibaan Hore Geesa cadde ee dhaawaca ah

Weerarkaas ka dhacay caawa Hotel SYL ee ka soo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Cabdiqaadir Cumar Cabdi oo ahaa garsoore dhinaca racfaanka ee Maxkamadaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Marxuum Cabdiqaadir Cumar Cabdi garsoore Racfaan ee weerarkii caawa Hotel SYL lagu qaaday ku geeriyooday

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno weerarka caawa lagu qaaday Hotel SYL ayaa waxay sheegayaan in weli gudaha hoteelka lagula dagaalamayo qaar ka mid ah maleeshiyadii soo weerartay Hotel SYL.

Trending

Exit mobile version