Wararka Soomaalida
Khasaaraha shacabka Qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhay
Qaraxyadii xalay gil,gilay Magaalada Muqdisho ee lagu qaaday dhismiyaasha Maqaayada Hilaac UK iyo hotelka Makah Al Mukaramah ayaa waxaa sii kordhaya khasaaraha ka soo gaaray dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin. Inta la xaqiijiyey ee ku nafwaayey qaraxyadaas ayaa waxay gaarayaan 40 qof oo dhamaan shacabka Muqdisho ah. Dhaawacyada ayaa gaaraya 60 qof sida […]
Qaraxyadii xalay gil,gilay Magaalada Muqdisho ee lagu qaaday dhismiyaasha Maqaayada Hilaac UK iyo hotelka Makah Al Mukaramah ayaa waxaa sii kordhaya khasaaraha ka soo gaaray dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin.
Inta la xaqiijiyey ee ku nafwaayey qaraxyadaas ayaa waxay gaarayaan 40 qof oo dhamaan shacabka Muqdisho ah.
Dhaawacyada ayaa gaaraya 60 qof sida aan ka soo xiganay Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho sida Isbitaalka Daarul-shifa,Madiina,Erdogan iyo Kaysane oo dhamaan ah xarumaha ugu badan ee la seexiyey dadkii ku wax yeeloobay Qaraxyadii Muqdisho.
In kastoo Madaxda hay,adaha amniga ay ku guuleysteen badbaadinta qoysas farabadan oo Maleeshiyada Al shabaab ka dhax dagaalamayeen saacadood farabadan ayaa haddana waxaa jira khasaaro soo gaaray dad farabadan oo rayid ah.
Dhinaca kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali shaacinin khasaaraha shacabka inta uu la egyahay wixii xalay ilaa maanta ka dhacayey Gobolka Banaadir.