Wararka Soomaalida
Khayre iyo Lafta Gareen oo kulan dheer ku yeeshay Muqdisho
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa kulan qaatay saacado dhower ah ku dhexmaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Labadaan mas,uul ayaa kulankooda xoogga ku saaray wadaadka dowladda dhexe xiran ee Mukhtaar Roobow Cali wixii laga yeeli lahaa iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koonfur […]
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa kulan qaatay saacado dhower ah ku dhexmaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Labadaan mas,uul ayaa kulankooda xoogga ku saaray wadaadka dowladda dhexe xiran ee Mukhtaar Roobow Cali wixii laga yeeli lahaa iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed lasheegay in Ra’iisul wasaaraha uu,ujeediyey in wadadaadka la siidaayo oo xorriyadiisa lasiiyo.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa la sheegay in Madaxweynaha iyo asaguba waxba ka qabin in xabsiga laga siidaayo oo xorriyadiisa lasiiyo Mukhtaar Roobow balse loo baahan yahay cidii damaanad qaadi lahayd haddii Mukhtaar Roobow uu la yimaado arrimo la mid ah kuwii kolkii horaba loo soo xiray.
Kulankan ayaa saacdo ka dib soo idlaaday laakiin ilaa hadda faa-faahin intaas ka dheeraad ah lagamahayo wixii gunaanadkii ay isku raaceen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha koonfur Galbeed.
barta Twitter-ka uu ku leeyahay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo uu soo dhigay qoraal kooban ayaa waxaa uu,uqornaa sidatan”waxaan caawa Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen”
Wararka qaar ayaa sheegay in sidoo kale ay isla meeldhigeen Lafta Gareen iyo Khayre wada shaqaynta Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa waxaa la,ogyahay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarahaba kaalin firfircoon ay ku lahaayeen sidii Lafta Gareen Koonfur Galbeed uu Madaxweyne ugu noqon lahaa,iyadoo xataa sababta loo xiray wadaadka Al shabaaka ahaanjiray balse ka soo goostay ee u soo galay Dowladda dhexe Mukhtaar Roobow ay ahayd sidii Cabdicasiis Lafta Gareen ugu soo bixilahaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.