Wararka Soomaalida

Khayre iyo Xaaf oo heshiis wada gaaray(Akhriso)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maalintii khamiista ahayd kulan ku yeeshay duleedka Cadaado ayaa ka wada hadlay arimaha doorashada Galmudug qaabkii loo wajihi lahaa. Xaaf iyo Khayre ayaa islafalanqeeyay habka ugu fiican ee loo xalinkaro tabashada Maamulada iyo dowladda dhexe iyo sidii loo wada […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maalintii khamiista ahayd kulan ku yeeshay duleedka Cadaado ayaa ka wada hadlay arimaha doorashada Galmudug qaabkii loo wajihi lahaa.

Xaaf iyo Khayre ayaa islafalanqeeyay habka ugu fiican ee loo xalinkaro tabashada Maamulada iyo dowladda dhexe iyo sidii loo wada wada shaqayn lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dooday qaabka loo xalin karo khilaafka Ahlusunna iyo Xaaf iyo sidoo kale sidii loo qaban lahaa shir dib uheshiisiin ah si loo xaliyo wax allaale wixii rabashooyin ah ee ka jira qabiolada degan Galmudug.

Falanqayn dheer ka dib Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo saaray qodobadaan hoos ku qoran.

1-Madaxdu waxay sid wadajir ah ubogaadiyeen soo dhaweyntii diiranayd ee 26-kii juun 2019 loogu sameeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre Magaalada Cadaado.

2-Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Khayre waxay isla garteen in la dejiyo geedi socodka iyo hannaanka dib uheshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan

3-in Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib uheshiisiinta iyo doorashooyinka iyadoo kaashanaysa wasaaradda arrimaha Gudaha federaalka iyo dib uheshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya

4-si ay unoqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha ammniga ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan Magaalada Dhuusa-Mareeb

5-in Dowladda federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii Miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar geliyo arrimaha amniga iyo  adeeyada kala duwan ee Bulshada Galmudug

.Dhamaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version