Wararka Soomaalida

Khayre oo Geneva kula kulmay linde

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Geneva ee dalka Swizerland kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Sweden ann christin linde oo kamid ah madaxda Geneva uga qayb geleysa madasha qaxootiga adduunka ee looga hadlayo xal u helidda qaxootiga caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta, waxa ayna isla qireen inay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta.

Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

Kulanka ayaa qayb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan la yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka,iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa maanta ka qayb galay madasha qaxootiga aduunka kana socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland isla markaana maalinta beri ah lagu wado in lasoo xirayo.

Trending

Exit mobile version