Wararka Soomaalida
Khayre oo ka hadlay xiriirka Maraykanka iyo Soomaaliya
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maanta mar lahadlay bahda wararka faafisa ee bahda Saxaafadda ayaa waxaa uu ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka inta uu la egyahay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka in uu yahay mid aad usareeya islamarkaana maraya meel wanaagsan […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maanta mar lahadlay bahda wararka faafisa ee bahda Saxaafadda ayaa waxaa uu ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka inta uu la egyahay.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka in uu yahay mid aad usareeya islamarkaana maraya meel wanaagsan markii loo eego labadii sano ee la soo dhaafay.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa wuxuu sheegay Ra’iisul Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre in xiriirka Maraykanka ee arimaha Soomaaliya xoogaa cagajiid ah uu ka muuqday laakiin hadda uu yahay mid meel sare maraya.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa uu kulan Muqdisho kula qaatay madaxa Hay’adda gargaarka ee Maraykanka ee USAID Mark Green iyadoo hay’adda dhowaan Xafiis ka furatay Magaalada Muqdisho waxayna kabwada hadleen arimaha amaanka,dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Dowladda Maraykanka ayaa waxaa la sheegayaa in Soomaaliya ay ka joogaan guud ahaan askar gaaraysa 500 ilaa 600 kuwaasoo ubadan tababarayaal Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Maraykanka ayaa Soomaaliya wuxuu ka caawiyaa dagaalka lagula jiro kooxaha Al shabaab iyo Daacish islamarkaana Maraykanka Soomaaliya uu ka fuliyo duqeymaha cagga cirka ah ee lagula beegsanayo kooxaha Al shabaab iyo Daacish.