Wararka Soomaalida
Khayre oo kismaayo ku wajahan
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada ayaa lagu wadaa in dhawaan ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose. Xasan Cali Khayre ayaa kismaayo heshiis kula soo saxiixan doona Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Madoobe sida aan xogta ku helnay. Wargayska Tusmotimes wararka uu ka […]
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada ayaa lagu wadaa in dhawaan ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Xasan Cali Khayre ayaa kismaayo heshiis kula soo saxiixan doona Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Madoobe sida aan xogta ku helnay.
Wargayska Tusmotimes wararka uu ka helayo safarka Kismaayo ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in heshiis hoose ay wadagaleen Axmed Madoobe iyo Xasan Cali Khayre.
Heshiiskaas ayaa la sheegayaa in uu yahay mid ku saabsan sidii wada shaqayn dhab ah ay uyeelan la haayeen Maamulka Jubbaland iyo Xukuumadda Soomaaliya.
Maalinta beri ah ama maalinka xiga ee sabtiga ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada safar ay ku gaaraan Magaalada Kismaayo sida ay sheegaaan Wararka ugu badan ee safarka Xasan Cali Khayre ku qotoma.
Maanta Kismaayo ayaa waxaa ka degtay diyaarad siday qaar ka mid ah Ciidamada ilaalada u ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Ciidankaas oo ah kuwa Madaxtooyada Soomaaliya sida gaarka ah u,ilaaliya loona yaqaano Ciidanka Koofiya Casta ee caanka ku ah Koofiyad Guduudan.
Ciidankaas ayaa waxaa safarka Kismaayo ku weheliyey qaar ka mid ah Golaha wasiirada Soomaaliya.