Wararka Soomaalida
Khayre oo safar dhulka ah ku tagay Cadaado+Sawiro
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay degmada Dhuusa-Mareeb waxayna safar dhulka ah ku aadeen degmada Caado ee Gobolka Galgaduud. Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Caado waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, Xildhibaano labada Gole ah islamarkaana Deegaan doorashadooda […]
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay degmada Dhuusa-Mareeb waxayna safar dhulka ah ku aadeen degmada Caado ee Gobolka Galgaduud.
Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Caado waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, Xildhibaano labada Gole ah islamarkaana Deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug,Siyaasoyiin iyo Shacabka degmadaas ku nool Cadaado.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha maamulka Galmudug.
Xasan Cali Khayre oo khudbaddiisa ku sheegay in Cadaado uu u yimid inuu la kulmo waxqaradka iyo maamulka ayaa caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan inuu u adeego.
Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Khayre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa maanta socdaalkii dhulka ku soo maray tuulooyinka iyo magaalooyin kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo farxad kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo.