Wararka Soomaalida

Khayre oo shir laqaatay gudiga qaban qaabada maalmaha Xoriyadda

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta kula kulmay guddiga abaabulka xuska munaasabadda maalmaha Xorriyadda iyo midnimada ee 26 June iyo 01.July. Guddooomiyaha guddigan ahna wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in shirkooda looga hadlay dardar-gelinta qorshaha u diyaar garowga xuska maalmahaan muhiimka u ah […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta kula kulmay guddiga abaabulka xuska munaasabadda maalmaha Xorriyadda iyo midnimada ee 26 June iyo 01.July.

Guddooomiyaha guddigan ahna wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in shirkooda looga hadlay dardar-gelinta qorshaha u diyaar garowga xuska maalmahaan muhiimka u ah dadka iyo dowladda Soomaaliyeed iyadoo Ra’iisul Wasaaraha ay u soo bandhigeen qorshahooda ku saabsan waynaynta munaasabadda oo waxbadan ka duwan hannaankii loo qaban jiray sannaddihii la soo dhaafa.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in guddigu shaqo wanaagsan ay qabteen wixii ka dambeeyay maalintii uu Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay ka shaqaynta xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada dalka ka soo wareegatay sannadkaana xuska lagu qaban doono goobo kala duwan oo dalka ka mid ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo hadalka qaatay ayaa bogaadiyay qorshaha guddiga ay ku howlan yihiin wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaalada ay ugu jiraan in munaasabadda xusku ay ku dhacdo qaabka ugu wanaagsan ee loo wayneyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa June 09, 2019 magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ka kooban wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada,Ciyaaraha Haweenka,shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version