Wararka Soomaalida

Khilaaf cusub oo la sheegayo in uu soo kala dhax galay farmaajo iyo khayre

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Khilaaf cusub in uu soo kala dhax galay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Khayre. Hadal haynta ku saabsan Khilaafka la sheegay in uu soo kala dhax galay labadan mas,uul ayaa waxaa si weyn loogu falanqaynayaa baraha bulshada ka dib markii ay isku […]

Published

on

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Khilaaf cusub in uu soo kala dhax galay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Khayre.

Hadal haynta ku saabsan Khilaafka la sheegay in uu soo kala dhax galay labadan mas,uul ayaa waxaa si weyn loogu falanqaynayaa baraha bulshada ka dib markii ay isku qabteen cidda maxdax looga dhigayo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xasan Cali Khayre uu ku dadaalayo in Bangiga dhexe qof ajanabi ah Madax looga dhigo halka Madaxweynaha uu ka soo hor jeedo sida ay sheegayaan Wararka ugu badan ee yaala Magaalada Muqdisho.

Warkale wuxuu sheegayaa in arrinta taas ka duwan tahay kuna saabsan tahay Ciidamo Ra’iisul wasaaraha uu si qaar ah usamaystay oo bilooyinkaanba aruurintooda uu ku jiray Taliyena ugu dhigay shaqsi la yiraahdo saadaq joon in Khilaafka uu ka yimid.

Xiriiro kala duwan oo aan la samaynay Xafiiyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxay inoo sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyiintii aan lahadalnay in wax Khilaaf ah oo jira aaney jirin waxan la wadwadana ay ka dambeeyaan Qolada Mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa jira qaar ka mid ah Xildhibaanada ee ka midka ah Golaha wasiirada ayaa la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha sida barahooda bulshada qoraalada ay soo dhigayaan laga dheehankaro.

In Khilaaf uu jiro waxaa lagu rumaysankaraa kadib Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Wasiirka dhalinharada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya qoraalo maanta ay soo dhigtay boggeeda facebook ayaa u muuqda in Khilaafka la sheegayo uu run yahay.

Cinwaanka ay ku isticmaasha Facebook wasiir Khadiijo waxaa ugu qoran magac qof rag wuxuuna uqoran yahay Filipin Cadde cinwaanka oo aan si qoto dheer ubaarnay ayaa waxaa inoo xaqiijiyey Xildhibaano ka mid ah Golaha Baarlamanka sidan ayey ku daabacday wasiir Khadiijo bogga facebook. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version