Wararka Soomaalida
Khilaafkii hareeyey Maamulka Soomaali State oo xal lagagaaray
Waxaa muddooyinkanba khilaaf xoog leh uu ka dhex taagnaa Madaxweynaha Maamulka Soomaali State Mustafe Muxumad Cumar Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga ee talada haye Axmed Shide Sidoo kale ah Wasiirka Maaliyadda dowladda itoobiya. Kulan deg deg ah oo looga yeeray Mustafe Muxumed Cumar Cagjar Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu kulan siiyey labada Mas,uul ee […]
Waxaa muddooyinkanba khilaaf xoog leh uu ka dhex taagnaa Madaxweynaha Maamulka Soomaali State Mustafe Muxumad Cumar Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga ee talada haye Axmed Shide Sidoo kale ah Wasiirka Maaliyadda dowladda itoobiya.
Kulan deg deg ah oo looga yeeray Mustafe Muxumed Cumar Cagjar Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu kulan siiyey labada Mas,uul ee khilaafka uu ka dhextaagnaa ee Kala ah Cagjar iyo shide.
Kulankan xalka lagu gaaray ayaa waxaa gogoshaas fidiyey Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed waxaana uu ku dhameeyey wixii qodobo ahaa ee la,isku haystay.
War kooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abby ayaa lagu sheegay in Mustafe Cagjar iyo Axmed Shidde ay ku heshiiyeen sii wada shaqeynta iyo in laga shaqeeyo horumarinta Maamulka Soomaalida ee degan dhulka itoobiya.
Abiy Ahmed wuxuu intaas ku daray inuu kulanka ku soo dhammaaday Isfahan iyo sii xoojinta horumarka Gobolka,waxay kaloo labada mas’uul ku heshiiyeen in isbedelka lagu sameynayo xisbiga talada haya ee Dimuquraadiga Shacbiga Soomaalida itoobiya.