Wararka Soomaalida
Kiis xanuun badan oo ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar
Kiiskan xanuunka badan ee ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa wuxuu yahay sida wararka ay tibaaxayaan mid ka mid ahaa macaabiista ku xiranaa Xabsigaas oo xanuun soo wajahay ka dibna loo diiday daryeel Caafimaad inuu helo bukaanka ka dibna xanuunkii hayay dartiis u geeriyooday maxbuuskii xanuunsaday.
Falkan xanuunka leh ayaa waxaa lagu eedeeyay Taliyaha Xabsiga dhexe S/Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile ka dib markii bukaankii maxbuuska ahaa ee xanuunka la ildaranaa uu kala baxay Isbitaalkii la dhigay ee ku yaalla Muqdisho ka dibna naftii ka baxday bukaankii maxbuuska ahaa ee xanuunsaday kaas oo lagu magacaabo Xasan Kurtun Calasow iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhaqaatiirta Xabsiga dhexe taliyaha ay u sheegeen inaysan waxba ka qaban karin xaalada bukaanka intii uu la taahayay xanuunkii hadda uu u geeriyooday.
Ehelada Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanaya awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu bukaanku jiifay isla markaana bukaankii xoog ku qaatay kuna qaatay mid ka mid ah Gawaarida gargaarka deg deg ah oo ka muuqatay Astaanta Ciidanka Asluubta sida goobjoogiyaal ay xaqiijiyeen.
Xasan Kurtun Calasow ayaa ku jiray xaalad Miir beel ah waxaana taliyaha lagu eedeeyey inuu amray in laga furo faleebooyinka iyo dawooyinka uu qaadanayay isagoo ka dibna ku celiyay qolkii markii hore laga soo saaray ee ahaa xabsiga Dhexe halkaasna ku geeriyooday.
Video qoyska bukaanka ay ka duubeen taliyaha falkaas ku kacay ayaa waxay ku sheegeen in taliyaha awood adeegsaday isla markaasna uu isaga qaadi doono mas’uuliyadda marxuumka geeriyooday.
Waxaa ka muuqda Video-ga Taliyaha Xisbiga dhexe oo gelbinaya bukaanka oo lagu wado Sariirta bukaanada kaasoo la saaray Ambalaas ay ka muuqato Astaanta Ciidanka Asluubta Soomaaliya waxaana la sheegay in 24 saac kadib bukaankii laga soo saaray isbitaalka uu ku geeriyooday qolkii dib loogu celiyay ee Xabsiga dhexe.
Qoyska marxuumka ayaa sheegay inaan la aasi doonin Maydka ilaa uu cadaalad ka helo waxayna baaq deg deg ah udireen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya sida Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyagoo ka dalbaday in cadaalada la mariyo Taliyaha Xabsiga Dhexe ee falkaas foosha xun ku dhaqaaqay.
Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile oo eedan kiiska culus ah loo haysto ayaa mar arintan wax laga weydiiyay eedda loo haysto waxa ka run ah ayaa sheegay in Xasan Kurtun Calasow xabsiga dhexe laga saaray amar la’aantiisa iyo in si qarsoodi ah looga saaray xabsiga isagoon ka warqabin sidaas awgeed uu kadaba tagay kana soo saaray Isbitaalkii uu ku jiray isla markaana ujeedkiisa uu ahaa inuu geeyo Isbitaal dowladeed si xaaladiisa wax looga qabto,wuxuu kaloo uu sheegay Taliyaha in waxyar ka diba uu dhigay Isbitaalka Martiini kaddibna bukaankii halkaas uu ku geeriyooday.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xeer illaalinta Qaranka iyo hay’adaha caddaaladda ayaa hadda la wareegay Kiiska geerida maxbuus marxuum Xasan Kurtun Calasow sida wararku sheegayaan waxaana ku socda baaritaano culus iyadoo arintan si weyn looga hadal hayo baraha bulshada isla markaana aragtiyo kala duwan ka bixinaya sida kiiskan udhacay.