Wararka Soomaalida
KM5 oo qarax ka dhacay iyo faafaahin ka soo baxday
Isgoyska soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa duhurnimadii maanta ka dhacay qarax gaystay khasaaro kala duwan ka dib gaari nooca xabadaha karin ee loo yaqaano Bullet Prof oo lagu xiray Miinada dhejiska ah.
Gaarigan ku qaraxay KM5 ama Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saarnaa Injineero udhashay dalka Turkiga waxaana lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmayeen injineerada Turkida ah.
War ku soo dhacay Xafiiska Wargayska Tusmotimes ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba ka mid ah injineerada Tutkigada ah ay ku dhaawacmeen iyadoo mid ka mid ah dhaawiciisa culus yahay halka kan kale soo gaaray dhaawac fudud sida wararka nagu soo gaaray ay sheegayaan.
Lama oga cida ka dambaysay Miinadan dhejiska ah ee loogu xiray injineerada udhashay dalka Turkiga.