Wararka Soomaalida
Koox weerar dhimasho iyo dhaawac ka gaystay Shirkadda HORMUUD oo la qabtay
Koox burcad hubaysan ah ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD qaybteeda ay ku leedahay agagaarka Saybiyaano ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Burcaddaas hubaysan ayaa dilay mid ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda HORMUUD iyadoo sidoo kale dhaawac ugaystay gabar ka mid ahayd dadka deegaanka xili ay doonayeen burcadda inay dhac ugaystaan […]
Koox burcad hubaysan ah ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD qaybteeda ay ku leedahay agagaarka Saybiyaano ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Burcaddaas hubaysan ayaa dilay mid ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda HORMUUD iyadoo sidoo kale dhaawac ugaystay gabar ka mid ahayd dadka deegaanka xili ay doonayeen burcadda inay dhac ugaystaan Shirkadda sida ay sheegeen Shacabka ku nool agagaarka xaruntaas ku taalo ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Arintan ayaa waxaa ku baxay Ciidanka Booliska ee habeenkii roonad,da amni sugidda ah ka wada xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay soo qabteen Ciidanka Booliska Soomaaliya labo ka mid ah raggii weeraray Xarunta Shirkadda HORMUUD qaybteeda Xaafadda Saybiyaano Caawa fiidkii.
Sakiye Xuseen Axmed ayaa waxay hadalkeeda intaas ku dartay in ragga kale ee baxsaday sida kuwan oo kale iyana gacanta Ciidanka Booliska Soomaaliya ay usoo geli daanaan.
“Rag burcad ah ayaa bacdu,afur weeraray Xarunta Hormuud Seybiano ee degmada Hodan waxay dileen hal nin sidoo kalana waxay dhaawaceen hal gabar shacab ah, Ciidanka Booliiska waxay ku guleysteen inay soo qabtaan labo ka mid ah burcadda iyo hubkoodii”ayey ku soo qartay Boggeeda Twitter-ka Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed.
Burcadda hubaysan ee weerar ku qaadda xarumaha Shirkadda HORMUUD ama kuwa Xawaaladaha ee lacagta ee ku yaala Muqdisho ma,ahan mid ku cusub Muqdisho balse shacabka ayaa arintaas inay arkaan ama ay maqlaan ugu dambaysay muddo hadda laga joogo shansano iyo dheeraad.
Tallaabadan deg dega leh ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay ku soo qabteen qaar ka mid ah burcadda hubaysan ee caawa fiidkii weeraray Shirkadda HORMUUD qaybteeda xaafada Saybiyaano ayaa waxay noqonaysaa howgalkii ugu horeeyey ee iyadoo raadkii burcadda uu qooyan yahay jawaab natiijo leh ay ka keenaan.