Wararka Soomaalida

Kooxaha gurmadka deg dega ah oo la soo bandhigay

Published

on

Iyadoo shalay taliska booliska Soomaaliya iyo waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya ay shaaciyeen in Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Gobolada dalka ay ku soo wajahan yihiin Roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata ayaa caawa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish wuxuu markale soo bandhigay kooxaha gurmadka deg deg ah ee loogu tala galay haddii dhibaatooyin ay dhacaan inay wax ka qabtaan.

‪”Qeybaha kala duwan ee Gurmadka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin u gurmadka shacabka‬ ku dhaqan Muqdisho”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish.

Gobolada Soomaaliya ee ay maraan Wabiyada Shabeele iyo Jubba ayaa waxaa cabsi xooggan laga muujinayaa in markale fatahaad ay ku sameeyaan Magaalooyinka iyo deegaanada ay ku nool yihiin qoysaska reer guuraaga ah.

Sidoo kale waaxda saadaasha hawada Soomaaliya ayaa sheegay in roobabka ka dhalan karaan daadad saamayn ku reeba bulshada sidii dhawaan ka dhacaday degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Trending

Exit mobile version