Wararka Soomaalida

Kooxda Al shabaab oo la wareegtay deegaan muhiim ah

Published

on

Wararka ka imaanaya inta udhaxaysa degma Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe iyo degmada Balcad deegaanka la yiraahdo Ceel Geelow ayaa shalay galab waxaa iskiiga huleelay Ciidankii halkaas muddada dheer deganaa ee fariisinka weyna ku lahaa hlkaasi ka dibna waxaa si dhibyari ah ula wareegay Kooxda Al shabaab sida wararka aan ka helayno deegaanka ay sheegayaan.

Ciidanka faaruqiyay deegaanka Ceel Geelow oo ah Miletariga Soomaaliya qaybtooda shabeelada dhexe ka howl gasha ayaa ilaa hadda la ogayn sababta ku xambaartay inay faaruqiyaan deegaankaas oo ah meel muhiim ah oo isku xira degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Kooxda Al shabaab oo kahadlay la wareegitaanka deegaankan Ceel Geelow ee shabeelada dhexe ayaa sheegay in Ciidamada iskiiga huleelay Ceel Geelow ay ka war heleen duulaan ay damacsanaaayeen in ay ku qaadaan sidaas awgeed cabsi ay ka qabaan Al shabaab ufaaruqiyeen.

Ka bixitaanka Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo sanado ah deganaa deegaankaasi iyo la wareegi taanka kooxda Al shabaab ayaa ilaa hadda ka hadlin Taliska Ciidanka Miletariga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle

Trending

Exit mobile version