Wararka Soomaalida

Kooxda Al shabaab oo muddo dheer ka dib ka hadlay weerarkii Bali-Doogle

Published

on

Kooxda Jihaadiyiinta ah ee ka dagaalanta Soomaaliya ee Al shabaab ayaa muddo dheer ka dib maanta ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen Xerada Ciidamada Cirka ee Bali-Doogle ee gobolka Shabeelaha hoose dabayaaqadii bishii September ee sanadkan aan ku jirno ka dhacayXeradaasi xili aroor hore ah ay ku qaadeen.

Muuqaal dheer oo soconaya 50 daqiiqo oo laga duubay kooxdii weerartay Xerada Bali-Doogle ka hor intaysan usoo jeheysan Xerada ayaa waxaa khudbad ujeediyay hogaamiyahooda ee lagu magacaabo Axmed Cumar oo Al shabaab dhaxdooda loogu yeero Abuu Cubayda wuxuuna kula dar-daarmayaa in geesinimo muujiyaan oo aanay cabsi gelin haddii ay dhintaana meel ka wanaagsan Aduunyada ay tegayaan sida uu ku dhiirageliyay dhalinyaradii weerartay Xerada Bali-Doogle Axmed Cumar Abuu Cubayda hogaamiyaha kooxda Al shabaab.

Hogaamiyaha kooxda Al shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda ayaa Muuqaalkaas wuxuu ugu goodiyay Ciidamada iyo shacabka Maraykanka u sheegay in Al shabaab siniba udhaafayn Xerada Bali-Doogle weerarada ay ku qaadaan oo xiligii ay doonaan weerari karaan sida uu ku goodiyay hogaamiyaha Al shabaab Abuu Cubayda.

Hogaamiyaha Al Shabaab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taageerada joogtada ah ee Mareykanka uu siiyo dowlada federaalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in hadafkooda uu kala mid yahay kan Dowladaha shisheeye ka aaminsan yihiin sida uu sheegay hogaamiyaha Al shabaab.

Dhamaan kooxdii ka titsanayd Al shabaab ee weerarka ku qaaday Xerada Bali-Doogle ee ay degan yihiin Ciidamada Maraykanka iyo Ciidamada Kumandooska Soomaaliya ayaa lagu laayay weerarkaasi sida ay sheegeen Saraakiisha Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ee Bali-Doogle degan iyadoo khasaarahaas weli ka hadlin Al shabaab balse ku faanay inay laayeen Ciidamada Maraykanka iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawiradan waa kooxdii Al shabaabka ahaa ee sagoontinta uu usameeyay hogaamiyaha Al shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda ka dibna weerarka ku qaaday Xerada Bali-Doogle ka dibna dhamaantood halkaas lagu wada toogtay iyadoo Al shabaab wixii ay ku soo tala galeen wax ka duwan kala kulmay Xeradaas Bali-Doogle ee Shabeelaha hoose dhamaadkii bishii September.

Muuqalka dheer ee ay soo bandhigtay kooxda Al shabaab ayaa waxay ku baahiyeen muuqaal baahiyahooda Al-Kataa,ib.

Trending

Exit mobile version