Sports

Kooxda FC Dekeda oo Hanatay Horyaalka Minneapolis

Published

on

Kooxda kubadda cagta ee FC Dekeda ayaa ku guuleysatay Horyaalka Minneapolis Premier League ee xiliga xagaaga sannadka 2020.

Horyaalka kubadda cagta ee loogu magacaabo MSP Premier League oo biloowday bishii Luulyo 20-keeda, 2020 ayaa waxaa ka qayb galay lix (6) kooxood ay dhexmatay loolan adag. Haddaba Horayaalka oo la soo af-jaray maalintii Tallaadada ee ay bisha Oktoobar ahayd 6, 2020 ayaa waxaa koobka ku guuleystay, horyaalkana hantay kooxda FC Dekeda.

Waxaa ciyaartii ugu dambeysay ee finalka ahayd wada ciyaaray labadda kooxood ee FC Baashaal iyo FC Dekeda, waxaana guuleystay koobka kooxda FC Dekeda, iyadda oo koobka la gudoonsiiyay kooxda FC Dekeda iyo kabtankooda Abu Mohamed Ali.

Horyaalka ayaa lagu soo xiray xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen qaar kamid ah haldoorka, hogaagimeyayaasha, ganacsatadda bulshada iyo ciyaartii hore ee qaranka Soomaaliya. Marti sharaftii xaflada soo xiray ayaa waxaa kamid ahaa Dr. Mohamud Xussein (Milano), Sheekh Nur Haadi, Abdirisaq Bihi, Fartun Osman, Mohamed Nor Sadiiq iyo Axmed Quul.

Horyaalkan oo mudo saddex bilood ka baddan ka socday garoonka kubadda cagta ee Currie Park oo ku yaala xaafadda Cedar-Riverside ee magaaladda Minneapolis ayaa waxaa abaal-marin iyo hayado la gudoonsiiyay qaar kamid ah ciyaartooydii iyo tababarayaashii ugu cadcadaa mudadii uu horyaalku socday.

Macalin Maxamed Axmed Muslimiin ayaa la gudoonsiiyay hadiyadda shaqsiga ku dayashada mudan. Ciyaartoyga Abu Mohamed Ali ayaa isagu noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ama MVP-ga horyaalka. Maxamed Xaji Macoow ayaa noqday macalinkii ugu wanaagsanaa sannadka 2020. Ciyaartoy Maxamed Ahmed Hayir (M-Cade) ayaa isagana la gudoonsiiyay abaal-marinta gool dhallinta ama goolasha ugu badan ee Golden Boots.

Horyaalkan oo sannad walba loo qabto dhallinyradda ama ciyaartooyda cuslaatay ayaa ah mid aad iyo aad loo bogaadiyay, nidaam cusub iyo abaabul xaga isboortiska ah oo ay bahda ciyaaraha jecelna ay aad uga heleen, una amaaneen ku soo kordhiyay bulshada Soomaaliyeed ee ciyaaraha ama kubadda cagta jecel. Xeerarka iyo sharciyadda adag ee sida joogtada ah horyaalka loogu hago ayaa ah horumarka lagu jeclaaday ee mar walba lagu amaano maamulka MSP Premier League.

Horyaalka MSP PREMIER LEAGUE ayaa ah mid kaalin weyn ka qaatay isku xirka dhallinyaradda, da’yarta iyo ciyaartooyda cuslaatay, ganacsatada, waalidka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Trending

Exit mobile version