Local News

Kooxda FC Feynuus oo ku guuleysatay koobka Midnimo

Kooxda kubadda cagta ee FC Feynuus oo ah koox ka dhisan gobolka Minnesota ayaa ku guuleysatay koobka tartanka todobbaadka xorriyadda ee looqabto kooxaha iyo ciyaartoyda  Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka. FC Feynuus ayaa 3-1 ku garaacday kooxda Ohio, North Stars, sidaasna ku hanatay koobka. Tartankan ama koobka Midnimo oo sannad walba la qabto todobbaadka loo dabaaldego […]

Published

on

Kooxda kubadda cagta ee FC Feynuus oo ah koox ka dhisan gobolka Minnesota ayaa ku guuleysatay koobka tartanka todobbaadka xorriyadda ee looqabto kooxaha iyo ciyaartoyda  Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

FC Feynuus ayaa 3-1 ku garaacday kooxda Ohio, North Stars, sidaasna ku hanatay koobka. Tartankan ama koobka Midnimo oo sannad walba la qabto todobbaadka loo dabaaldego xuska xorriyadda Soomaaliya ee Kowda Luulyo ayaa ahaa mid si qurxoon loo soo agaasmiay.

Kooxkan oo ay ka qayb galeen 16 kooxood oo kakala socda goboladda dalka Mareykanka ee ay Soomaalidu degen yihiin ayaa waxaa sannadkan ciyaar wanaag iyo dadaal ku yimid ciyaarta dhammaadka ah FC Feynuus oo ka socotay gobolka Minnesota iyo Ohio, North Stars oo ka socday gobolka Ohio.

Daqiiqadihii u horeyay ciyaarta ayaa waxaa gool dhaliyay kooxda FC Feynuus. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku hoggaamineysay FC Feynuus, waxaana jiray fursado dhif ah oo ay kooxda Ohio heshay.

Ciyaartoyda Ohio ayaa qeybtii labaad la soo baxay wacdaro, iyagoo helay fursado u dhowaa in ay goolal noqdaan, balse Goolhayaha FC Feynuus ayaa badbaadiyay kubado halis ahaa oo isaga iyo goosha uu hayey lala beegsaday.

Haddaba waxaa kooxda FC Feynuus u suurto gashay in ay dhalliyaan labo gool oo kale, 3-0 hogaankana ugu qabtaan kooxda Ohio. Waxaa Rigoore loo dhigay kooxda Ohio oo iyagu dhaliyay, balse halka gool ee rigooraha ah wuu ku filnaan waayey kooxda Ohio, halkaas ayeeyna guul daro ku raacday.

Labada koox waxaa dhexmartay ciyaar kulul oo aad u xiiso gelisay dhamaan dadweynihii u soo daawasho tagay ciyaartan.

Waxaa koobka soo xiray, abaalmarina siiyay qaarkamid ah ciyaartooydii iyo tababarayaashii qaranka Soomaaliya oo lagu casuumay tartankaan. Macalin Qariidi, Gudoomiye Cabdi Yusuf, Abdiqadir Shiikha, Cabdullahi Morgan, C/Casiis Giftin, Cabdiqadir Madaxey iyo fanaan Fuad Cadde oo isagu ka yimid dalka UK ayaa kamid ahaa martidii ka qayb qaatay xafladii lagu soo xiray koobka Midnimo.

Sidoo kale Imamka dhallinyarada iyo qoyska ee masaajidka Abubakar, Sheekh Mowlid iyo Sheekh Ahmed ayaa iyagu la dardaarmay, hadalo guubaabin iyo dhiirigelin ahna u jeediyay dhamaan dhallinyaradii ka qayb qaatay koobka Midnimo iyo weliba dad weynihii garoonka joogay.

Guddiga soo qaban qaabiyay koobka Midnimo ayaa iyagu hadalo guubaabin iyo dhiirigelin u jeediyay dhamaan ciyaartooydii, kooxihii iyo macalimiintii ka qayb qaatay koobka, waxayna u balan qaadeen in sannadka soo socda koobku ii sii wanaagsanaan doono. Gudiga ayaa u mahadceliyay qof kasta oo ka qayb qaatay ama taageeray koobka Midnimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version