Wararka Soomaalida

Kooxda Shabaab oo baalmaray khasaarihii shacabka Qaraxii Ex-Afgooye

Published

on

Kooxda Al shabaab ayaa markale ka hadlay weerarkii ay ku xasuuqeen shacabka Muqdisho maalintii Sabtiga 28-ka bishan December ee 2019-ka ay ka fuliyeen Excontrol Afgooye ee Muqdisho ka dib bayaan kooxda ka soo saartay weerarkaas shacabka ay ku xasuuqeen.

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Maleeshiyada Kooda nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa waxay ku sheegeen turada guud ee dhimashada ka dhalatay qaraxii Excontrol Afgooye wadarta guud inay gaarayso 84 qof halka dhaawacana ay ku sheegeen 69 ruux waxayna intaas qoraalkooda ku dareen tirada dhimashada ee ah 84 qof in 23 oo kaliya shacab ay ka yihiin.

Kooxda Al shabaab oo bayaankooda uu ku qoran yahay luuqadaha Carabiga iyo English-ka ayaa waxay sheegeeen in dadkii shacabka ahaa ee ay ku laayeen weerarkaas ay ahaayeen Gaalo iyo saaxiibadooda waxayna ukala saareen sida tan.

1-Muwaadiinta turkiga (4)

2-qandaraas-layaasha ciidamada Turkiga (4)

3-Ilaalada Turkida (12)

4-Turjume Turkida (1)

5-ciidanka booliska ee Ex-control (21)

6-ciidamada kale ee dowlada (6)

7-Sirdoonka NISA (9)

8-Masuuliyiin dowladeed (4)

9-shacabka 23

10-dhaawacyada (69)

Qaraxaasi xasuuqa ahaa ee kooxdaas manaxayiyaash ah ee Al shabaab shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuuqeen ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100 qof oo shacab waxna galabsan iyo labo Injineer oo Turki ah halka ku dhawaad 200 oo ruux oo shacab ah ay ku dhaawacmeen sida aan ka soo xiganay saraakiisha xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Qoraaalkan caawa ka soo baxay kooxda Al shabaab ayaa naxdin iyo anfariir ku beeray bulshada Soomaaliyeed iyadoo wali uu qooyanyahay dhiigii shacabkii ay ku xasuuqeen Excontrol Afgooye subixii Sabtiga.

Trending

Exit mobile version