Wararka Soomaalida
Kooxdii dilalka ka fulinaysay Galmudug oo gacanta lagu dhigay
Wararka nagasoo gaaraya deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Maamulka Galmudug ayna kafuliyeen Deganka la yiraahdo Habaaswayne oo ka mid ah Gobolka Galgadud ay ka soo qabteen maleeshiyadkii kadambeeyay dil wadareedkii kadhacay deeganka Dhan Waris. Deegaankaas ayaa waxaa dhawaan dil wadareed looga gaystay afar […]

Wararka nagasoo gaaraya deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Maamulka Galmudug ayna kafuliyeen Deganka la yiraahdo Habaaswayne oo ka mid ah Gobolka Galgadud ay ka soo qabteen maleeshiyadkii kadambeeyay dil wadareedkii kadhacay deeganka Dhan Waris.
Deegaankaas ayaa waxaa dhawaan dil wadareed looga gaystay afar qof oo kamida ahaa shaqale ka shaqaynayay Goob lagu xanaaneyo Shinida.
Ciidamada ayaa dadkaas maleeshiyada ah ee howlgalada ku soo qabteen usoo ka xeeyay dhinaca degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud sida aan xogta ku helnay.