Wararka Soomaalida
Kooxdii dilka ka gaysatay Dayniile oo gacanta lagu dhigay
Ka dib markii dablay ku hubaysan Bastoolado galabta ay ku dileen askari ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Ciidanka amaanka iyo shacabka Dayniile ay iska kaashadeen soo qabashada dhalinyaradii dilka askariga ka fuliyey degmadaas. Dhalinyaradan la sheegay in loo soo qabtay dilkaas ayaa Wararka […]
Ka dib markii dablay ku hubaysan Bastoolado galabta ay ku dileen askari ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Ciidanka amaanka iyo shacabka Dayniile ay iska kaashadeen soo qabashada dhalinyaradii dilka askariga ka fuliyey degmadaas.
Dhalinyaradan la sheegay in loo soo qabtay dilkaas ayaa Wararka uu helayo Wargayska Tusmotimes wuxuu sheegayaa in midba xaafad laga soo kala qabtay xili Ciidamada howlgal culus caawa ay ka sameeyeen Degmada Dayniile xaafada heeda kala duwan.
Labadaan nin ee dhalinyarada ah ayaa waxay galabta xaafad ka mid ah Degmada Dayniile ay ku dileen askari lagu magacaabi jiray Maxamuud Gurey sida dadka xaafada inoo sheegeen.
Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka hadlay soo qabashada Dhalinyaradan loo haysto dilka askariga ayaa u mahadceliyey shacabka iyo Ciidanka howlgalkan ku soo qabtay dambiiliyaasha.
“Ciidamada Booliiska iyo shacabka Degmada Dayniile waxay mudan yihiin in lagu bogaadiyo sida ay isaga kaashadeen in lasoo qabto gacan ku dhiigliyaasha ku eedeysan Shabaabnimo ee dilka ugaystay askariga Ciidanka Xoogga dalka ah iyagoo dilka geystay isla degamada, wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka oo sii xoogeysta waa tan kaliya ee suurta galin karta in cadawga si fudud looga sifeeyo dalka”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.
Dhalinyaradaas ayaa hadda waxay gacanta ugu jiraan laamaha amniga ee Gobolka Banaadir iyadoo lagu wado in dhawaan la soo istaajiyo Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.