Wararka Soomaalida
Koronel Caarre oo ka hadlay heshiiska dhaxmaray Muuse Biixi iyo Odayaal dhinciisa ah
Koronel Caarre oo ah Sarkaal horay ugu goostay Soomaaliland dagaalna kula jira maamulka Soomaaliland ayaa si adag uga hadlay heshiis Magaalada Hargaysa maanta ku dhaxmaray Odyaal ay isku heebyihiin iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi islamarkaana heshiiskaasi ku saabsanaa joojinta dagaalka Koronel Caarre uu kula jiro Soomaaliland kana wada Gobolada Sool iyo Snaag.
Heshiiskan oo ka dhacay Hargaysa ayaa waxaa lagu heshiiyay in Odayaasha ku heebta ah Koronel Caarre ku soo celiyaan maamulka Soomaaliland sidoo kale ku qanciyaan inuu joojiyo dagaalka uu kula jiro Soomaaliland ee ka socda Sool iyo Sanaag deegaanada Maamulka Soomaaliland.
Haddaba Koronel Caarre oo Saxaafadda kula hadlay degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay in aanay matelin Odayaasha maanta heshiiska la gaaray ee la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi sidoo kale uu sii wadayo dagaalka uu ku hayo Soomaaliland ilaa uu ka gungaaro ujeedadii markii horaba ubilaabay dagaalka iyo inuu ka goosto maamulkaasi ka dibna dagaal uu kala hor yimaado.
“Arrintaasi anniga ima qusayso waxaasina waxba kama jiraan waaye odayaashuna aniga ima dhallin, Muuse Biixi Cabdi arimihiisa hadda faragashan maayo anigaa madaxweyne ah”ayuu yiri Koronel Caarre.
Hadalkan ka soo yeeray Koronel Caarre ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii dhowrjeer ergo loo diray Sarkalkan dagaalka kula jira maamulka Soomaaliland laakiin ilaa hadda aaney waxba ka soo naasa cadaan iyadoo maanta Odayaashiisa ee heshiiska la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku balanqaaday in Koronel Caarre oo raali ah hoos keeni doonaan iyadoo aan la ogayn sida Odayaashaasi Koronel Caarre ugu qancin karaan balantii ay soo qaadeen.